Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa maanta kulan la yeelanaya ganacsatada waawayn ee dalka, si uu ugu booriyo inay maceeshadda iyo badeecadaha daruuriga ah u jabiyaan,si ay suurto-gal u noqoto in bulshadda danyarta ah noloshooda kor loogu soo qaado.
Kulankan Madaxweynuhu la yeelanayo Tijaarta waaweyn, waxa uu fari doonaa inay jabiyaan qiimaha maceeshadda ay cirka geeyeen ee aanay la qabin duniddu.
Dawladda Somaliland waxay awooda saaraysaa sidii qiimaha doolarkuna hoos ugu dhici lahaa, badeecadaha daruuriga ahina ay u jabi lahaayeen, iyadoo bulshadda danyarta ahi ay ku dhibanaayeen nolosha qaaliga ah ee aan isbedalka lahayn.
Dadweynaha Somaliland ayaa soo dhaweeyay sagaal qoddob oo Guddidii Madaxweyne Axmed Siilaanyo u xil saaray ka soo tallo-bixinta sicir bararka iyo qiime dhaca shilinka Somaliland ay madaxweynaha u gudbiyeen khamiistii la soo dhaafay,iyadoo madaxweynuhuna uu ku dhawaaqay in siyaasadda xukuumadiisa sannadkan 2016-ka ay ugu muhiimsan yihiin qiime u yeelida shilinka Somaliland iyo hoos u dhigida maceeshadda daruuriga ah, taasi oo dadweynuhu ku diirsadeen.
Sagaalkii qoddob ee Guddidii madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ay soo jeediyeen waxay u qornaayeen sidan:-
1. Qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda iyo bulshada Somaliland inay si waddaniyad leh u isticmaalaan lacagtooda ah shillinka Somaliland oo ay aaminaan, iyadoo la go’aansaday in madaxda qaranku iska bilaabaan dhiirrigelinta iyo isticmaalka lacagta dalka.
2. Waxa aannu ka shaqaynaynaa oo diyaarinaynaa in seeska loo dhigo siyaasad waarta oo xal loogu helo in qiimaha sarifka Somaliland fadhiisto, bartilmaameedka sarifka halka doollarna noqdo lix kun oo shillin (6,000 SLSH), isla markaana $100 doollar noqdo lix boqol oo kun (600,000SLSH), siyaasaddaas oo ah in haddii sarifku hoos u dhaco in sare loo qaado, haddii uu kor u kacana la yeesho awood hoos loogu dhigo.
3. Xukuumadda Somaliland, waxa ay bulshada u dammaanad qaadaysaa in la xakameeyo, lana ilaaliyo hantida kaydka u ah ummadda iyo hantida dakhliga miisaaniyadda, labadaasna la kala ilaaliyo, iyadoo xukuumadduna ku dhaqmi doonto, hirgelin doonto lacagta miisaaniyadda 2016, lacagtaas mid aan ahayna suuqa la gelin maayo, loona gudbi maayo in suuqa lagu fatahiyo lacagta kaydka u ah qaranka.
4. Waxa la go’aansaday in xukuumaddu lacagta cashuuraha ah ku qaado shillinka Somaliland, marka laga reebo cashuurta xeer waajibiyey in lagu qaado lacag qalaad ama uu jideeyey nidaam soo jireen lagama maarmaan u ah qaranka, tusaale, lacagta adag ee laga qaado xoolaha, lacagta lagu qaado madaarrada diyaaradaha, waxaanna goobahaas loo reebay in lacag adag lagu qaado waa iyadoo qaranka Somaliland u baahan yahay lacag adag oo soo gasha, kuwaasoo loo isticmaalo adeegyo muhiim u qaranka, sida iibka raashinka ciidammada.
5. Waxa xukuumadda Somaliland garwaaqsatay in la dhiirigeliyo wax-soo-saarka dalka gudihiisa, sida beeraha, xoolo-dhaqashada, beeyada, xabkaha, kalluunka iyo wixii kale ee la midka ah.
“Waxa aannu bulshada Somaliland ku dhiirrigelinaynaa in aynu ilaashanno waxa aynu leenahay, iyadoo wax kasta oo dalkan loo soo dhoofiyo laga keeno dibadda, mana suurtogelayso qaran yar oo curdin ah oo aanay waxba soo gelayn inay wax kasta kala soo degaan dibadda, waxna aanay dhoofin. Badda iyo berrigaba waxa innaga soo gala wax walba oo dibadda laga soo dhoofiyo, ilaa basbaaska, tamaandhada, baradhada iyo noocyada kala duwan ee khudaarta, taasina sax maaha, waana in aynu u guntanno sidii aynu wax ula soo bixi lahayn si aynu u gaadhno isku filnaansho dhinaca cuntada ah, marna waa inaynu wax u dhoofinno wadammada deriska ah oo sannad walba innaga qaata lacag badan oo lagu iibsado wax-soo-saar ay inoo soo dhoofiyaan, waana in aynu innaguna wax u iibgaynno sida kalluunka, iyadoo aannu wadno heshiis aannu arrimahaas ka gaadhno sida dawladda Itoobiya oo kale,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi oo sharraxaad ka bixiyey qodobka shanaad ee go’aankooda.
6. Xukuumadda Somaliland ee madaxweyne Axmed Siilaanyo hoggaamiyo waxa bud-dhig u ah siyaasadededa inay la dagaallanto musuqmaasuqa oo ay samayso maamul-wanaag, waxana isla qaatay in la soo kordhiyo maamul-wanaagga, hufnaanta, isla xisaabtanka, iyadoo la horumarinayo nidaamka dib-u-habaynta maaliyadda, xeerarkooduna horyaallaan Golaha Wakiillada, kuwaasoo sugi doona in muwaadiniinta Somaliland la socdaan halka lacagtoodu ku baxdo
7. Waxa la samaynayaa wacyigelin ballaadhan oo isdaba joog ah oo bulshada muwaadiniinta ah lagu wacyigelinayo inay lacagtooda shillinka ah isticmaalaan oo ay isku tashadaan sidii aynu horeba isugu soo tashanay.
8. Waxa aannu samayn doonnaa, lana xoojin doonaa ku dhaqanka sharciga (low inforcement) la xidhiidha fulinta sidii loo dhaqan-gelin lahaa in si buuxda loo isticmaalo shillinka Somaliland, iyadoo aannu xoog ku wadi doonno in lacagta Somaliland shaqayso, magaalooyinka iyo suuqyada ku dhex wareegto.
9. Waxa xukuumaddu go’aansatay inay xoojiyo awoodaha Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland si uu u xakameeyo la-dagaallanka sicir-bararka iyo qiimo-dhaca shillinka Somaliland, wuxuuna Baanka Dhexe u baahan yahay awood iyo dhaqaale dheeraad ah oo lagu kabo.”
“Bangiga Dhexe ee Somaliland isaga ayey tahay inuu maamulo baananka madaxbannaan, markaa baankii maamuli lahaa haddii ay ka hor koraan bangiyada gaarka loo leeyahay waxba ma xakamayn karo, waxana waajib ku ah baanka Jamhuuriyadda Somaliland inuu kalsooni geliyo bulshada si ay lacagaha u dhigtaan, una aaminaan in aan lacagtooda la isticmaalin, arrintaasina waa masuuliyad saaran baanka, isaga ayaana ka mudan meelo badan oo maanta lacago lagu kaydiyo,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada oo sii fasirayay qodobka sagaalaad ee go’aamadaas.
Tallaabooyinka is xig xiga ee uu qaaday Madaxweynaha qaranku ayaa ah kuwo bulshada yididiiladooda kor u qaaday isla markaana soo nooleeyay shucuurta bulshada Somaliland ee dhaqaale ahaan noloshoodu ku tiirsan tahay shilinka Somaliland.
Waxaa kale oo uu Madaxweynaha qaranku qaaday tallaabooyin kor loogu qaadayo qiimaha shilinka Somaliland oo ah lacagta kaliya ee sharciyan ah in ay dalka ka shaqayso.
Hadaba ganacsatada dalka ayaa looga baahan yahay in ay la jaan qaadaan Xukuumadda dalka ka jirta kuna dhaqmaan qawaaniinta wadanka u yaalla,iyadoo la fulinayo go’aanka Xukuumadda ee ah in sarifka lagacaha qalaad hoos loo dhigo iyo in qiimaha shilinka dalka kor loo qaado iyo waliba in maceeshadu hoos u dhacdo oo ay ka soo noqoto halka ay wakhtigan joogto.
Dalka Jamhuuriyadda Somaliland,ayaa waxa muddo badan ja jiray ganacsi dabarka goostay oo qof kastaaba inta uu doono uu wax ku iibiyo sida uu jecel yahay-na uga macaasho bulshadda danyarta ah ee aan awooda dhaqaale u saamaxayn maceeshad bararka iyo sarif bararka ganacsatadu ku danaysanaysay laakiin MadaeweybeSiilaanyo ayaa ku dhiiraday oo qaaday tallaabooyin kor loogu qaadayo nolosha danyarta isla markaana dib loogu eegayo ganacsatada macaash ku noolka ahi sida ay wax u iibiso iyo qiimaha ay dadka wax kaga iibiso. Kulanka maanta ayaa noqonaya mid taariikhi ah oo wax lagaga bedelayo qiimaha maceeshada ee dalka oo dhan.
Geesta kalena waxa loo baahan yahay in gabi ahaanba la joojiyo xawaaladaha caadaystay inay lacagtii adkayd ee dalku u baahnaa ay dibadda kaga soo xawilaan iyadoo ah (mobile money),taasina waxay dab ku sii shiday kor u kaca qiimaha doolarka,waxaanay yaraysay lacagtii doolarka ahayd ee wadanka soo geli lahayd. Waxa kale oo daruuri ah in laga tashado sidii wax looga qaban lahaa adeegyadda ZAAD iyo E-DAHAB, oo ah mid saamayn taban ku leh sicir bararka dalka ka jira.