Masuuliyiintii ku bahoobay Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka Kulmiye ayaa la filayaa in ay ku biiran Xisbiga Waddani maalmaha soo socda, warar xogogaal ah oo Wargeyska Wargane helayo ayaa sheegaya in Masuuliyiintaasi Isbahaysiga Kulmiye ee u badnaa Wasiiradii iska casilay Xukumada Siilaanyo iyo xubnihii kale ee ka biyo diiday Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye ay heshiis kama danbeyn ah la saxeexanayaan Xisbiga Waddani Maalmaha soo socda.
waxanay wararka aanu helayno intaasi ku darayaan in labbada dhinac ay isla afgarteen qodob baddan oo heshiiskooda ku xusan, isla markana hawlahoodu gabo gabo ay ahayeen maalmihii u danbeyeyba basle la sugayey Maxamed Bixi Yoonis oo dibada ku maqnaa iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Cirro oo dalka dibadiisa isna ku maqnaa, kuwaasi oo midna shallay yimid ka kalena maanta la filayo in uu yimaado.Soo dhaweyntii Doraad ee Maxamed Biixi Yoonis ayaanay.