Somalia: Ciidamo Kenyan ah oo si sharci daro ah uga Ganacsada Gudaha Somaliya

Date:

Koox fadhigoodu yahay dalkan Kenya ayaa sheegtay inay hayso cadaymo Cusub oo faahfaahsan oo sheegaya in militeriga Kenya ee Somalia jooga ay ku lug leeyihiin dhoofinta sharci darrada ah ee dhuxusha dekada kismaayo.

Kooxda oo lagu magacaabo weriyayaal cadaalad doon ah ayaa warbixintooda ku sheegay in ciidamada kenya ay sidoo kale soo safriyaan sonkor kontorobaan ah oo gudaha kenya la keeno. Warbixintan waxay sheegtay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay sanadkiiba 50m oo doolar ka helaan canshuridda dhuxusha iyo sonkorta sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in ciidamada Kenya ay u suurtagaliyaan Shabaabka in ay lacag sameeyaan, maadama ay iyagana sidoo kale canshuraan dhuxusha iyo sonkorta ka soo baxda ama la geeyo goobaha ay maamulaan. Dhoofinta dhuxusha oo ahaa isha ugu badan ee Al-Shabaab ka helayeen dakhligooda ayay Qaramada Midoobay waxa ay xayiraad ku soo rogtay sanadii 2012-ka.

Qorayaashu waxay qiyaasayaan in 230 gaadhi xamuul ah oo sida sokor ay ka rartaan magaalada Kismayo isbuuc kasta, marinada ay sii maraan ka hor inta aaanay Kenya gaadhinna ay maamulaan saraakiil ka tirsan ciidamndma Kenya ee joogo Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalkan sida duqaymaha militariga Kenya ay ku burburiyeen tuulooyin uu rayidku daganyahay, oo ay ku dilaan dad shacab ah iyagoo marmarka qaarna bartilmaaeedsada xoolaha.

Waxa ay u muuqtaa in qorayaasha warbixintan ay soo gudbinayaan sawirro muujinaya in ciidammada Kenya ay minjaxaabinayaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...