Somalia: Dowlada Federaalka oo markale dib uga dhacday qorshihii Hiigsiga 2016

Date:

15kii bishan Agoosto ayey ku ekayd xiligii loo qabtay dowlada Federaalka Soomaaliya inay soo gudbiso qorshaha Doorashada 2016 oo dhameystiran iyo habka looga gudbayo maadaama ay dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah.

Shirkii 29kii July ka dhacay magaalada Muqdisho ee looga hadlayey Hiigsiga 2016 ayey dowlada ku fashilantay inay kusoo bandhigto qorshihii Hiigsiga 2016 iyo mashaariicdii horey loo bixiyey lacagtooda.

Dowlada Federaalka oo ay hogaaminayaan Madaxweynaha Xassan Shiikh iyo Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa beesha Caalamka u sheegay xiliguu socday shirka Hiigsiga in ay diyaariyeen warbixin tafaftiran balse uu jiro weli wadahadal u socda dowlada dhexdeeda gaar ahaan Baarlamaanka iyo Xukuumada oo ku aadan habka loo qaban doono doorashada 2016.

13kii Agoosto oo ku beegnayd khamiistii lasoo dhaafay ayey xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Mooshin xil ka qaadis ah ka gudbiyeen Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud, mooshinkan oo lagu soo beegay labo maalin kahor xiligii dowlada Federaalka laga sugayey qorshaha ay beesha Caalamka u direen.

14kii bishan Agoosto oo Jimcihii lasoo dhaafay ayuu Guddoonka Baarlamaanka sheegay in ay qabteen mooshinka, maalin kahor xiligii loo qabtay dowlada, isla Jimcihii ayaa hakad la geliyey guud ahaan hawlihii dowlada taasi oo lagu micneeyey inuu la xariira xiisada cusub ee ka dhex dhalatay dowlada Federaalka.

Waxaa jira shakiyo laga qabo mooshinka laga keenay Madaxweynaha inay tahay mid ay ka dhab tahay xildhibaanada ama mid siyaasadeed oo ay Villa Soomaaliya wax ka ogtahay maadaama mooshinkan ay ka qeyb qaadanayaan xubno horey xulafo ulla ahaa Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud uu hortagi doono Baarlamaanka si uu uga hadlo dhaliilaha loo soo jeediyey, isla markaana laga codsaday in su’aalo la weydiiyo.

Horseed Media ayaa ogaatay in dowlada Federaalka ay markale dib u dhigtay qorshihii Hiigsiga 2016 ee la filayey in loo gudbiyo Beesha Caalamka oo wakhtiga loo qabtay ku ekaa Sabtidii lasoo dhaafay ee 15 Agoosto.

Caqabada ugu weyn ee xiligan hortaagan dowlada Federaalka maaha Mooshinka laga keenay Madaxweynaha balse waa waji gabaxa ka heysta Federaalka dhanka Beesha Caalamka oo joojisay dhaqaalihii ay bixin jirtay iyadoo ku doodeysa in aan la fulin hawlihii dowlada loo diray ee Hiigsiga 2016.

Xujada hortaal Dowlada Federaalka ayaa sidoo kale waxa kamid ah in Beesha Caalamka ay ku xirtay dowlada Federaalka inay marka hore la heshiiso dhamaan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka isla markaana si wadajir ah ugu heshiiyaan dhamaan Xukuumada DFS, Baarlamaanka DFS iyo Maamulada Federaalka qaabka loo qabanayo doorashada 2016.

Waxaan weli la helin ama aan muuqan heshiis rasmi ah oo laga gaaray qodobadaasi ay codsadeen Beesha Caalamka oo ah mida bixineysa dhamaan dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo waliba hawlaha dowlada Federaalka Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa dhanka kale caqabad ka heysataa sidii ay maamulada Federaalka uga dhaadhicin lahayd Guddiyada ay dhawaan magacaabeen ee Doorashada oo u badan xubno kamid ah xulafada Madaxweynaha iyo shaqaale dowlada Federaalka kamid ahaa guddiyadan oo la sheegay inay xilka sii heyn doonaan muddo 7 sano ah, taasi oo sii fogeysay xiriirka u dhaxeeyey maamulada xubnaha ka ah federaalka iyo dowlada dhexe ee Federaalka Soomaaliya.

Horseed

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...