Khilaaf tan iyo sanadkii hore u dhexeeyay maamulka Jaamacadda Hargeysa, ayaa bilihii u dambeeyay isku bedelay gacan ka hadal kadib markii xal laga gaadhi waayay khilaafkaasi.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas iyo Ku Xigeenkiisii Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo isku dhinac ah iyo Hormuudada Kulliyadaha Sayniska & Xisaabaadka Prof. Axmed Maxamed Cadaad iyo Hormuudka Kulliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Prof. Keyse Cali Geedi, oo isku dhinac ah.
Guddoomiyaha Jaamacadda ayaa waaxda dambi baadhista iyo Booliska ku eedeeyay inaanay waxba ka qaban ammaanka jaamacadda, waxaanu ku canaantay siday dibada u joogaan Ardayda Waraanka loo soo jaray.
Sida Ramaasnews xogta ku heshay Khilaafka ayaa ka bilawday Prof. Cadaad iyo Prof. Keyse oo masuuliyiinta kale kaga aragti duwanaaday lacago Ardayda lagu kordhiyay iyo shuruudo ardayda lagu adkeeyay, waxayna sidoo kale soo bandhigeen inay jiraan Lacago si khaldan loo isticmaalay oo Maamulka Jaamacadda ku maqan.
Khilaafkaasi waxaa Madaxweynaha Somaliland u igmaday oo u xilsaaray inuu dejiyo Madaxweyne xigeenka Cabdiraxmaan Saylici. Madaxweyne xigeenka oo arrintaasi ku hawlanaa ayaa bishii January 2015, waxay saxaafaddu heshay warqad isla bishaas ka soo baxday xafiiska madaxweyne xigeenka oo nuxurkeedu yahay in Guddoomiyaha jaamacadda iyo kuxigeenkiisu iscasileen, islamarkaana Madaxweyne xigeenku aqbalay Istiqaaladooda, wuxuuna faray inay 4 bilood xilka sii hayaan si cid kale loogu soo magacaabo. Wuxuu sidoo kale amray Prof. Caddaad iyo Prof. Keyse inay jaamacadda ka maqnaadaan 4 bilood intaas kadibna jawaab ka sugaan xafiiska Madaxweyne xigeenka.
Markii Muddadaasi dhammaatay ayay haddana soo ifbaxay in Madaxweyne xigeenku arrintii faraha kala baxay, waxaana shaqadooda iska sii watay Guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Cabdi Xuseen Gaas iyo kuxigeenkiisa Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ilaa hadda xilka haya, iyadoon la sheegin meel dib loogu magacaabay iscasilaadooda kadib.
Sidoo kale markii Xayiraada 4 Bilood ahi ka dhammaatay Prof. Cadaad iyo Prof. Keyse Cali Geedi, iyagoo filaya inay shaqada ku noqdaan la soo xayaysiiy Jagooyinkooda, laguna baahiyay Jaraa’id in loo baahan yahay Hormuudo buuxiya labadaas jago.
Prof. Cadaad iyo Prof. Keyse Cali Geedi ayaa ay u muuqatay in cid kale faro galisay habkii loo xallin lahaa khilaafka islamarkaana waxay dedaal u galeen sidii ay boosaskoodii Jaamacadda dib ugu hanan lahaayeen, maadaama aanay iyagu iscasilin, diyaarna u yihiin Shaqadooda.waxay tuhunsan yihiin in guddida sare ee jaamacaddu la safatay prof Gaas iyo kuxigeenkiisa.
17-June-2015, ayaa Arday kuwa jaamacadda ka mid ah oo taabacsan in shaqada lagu soo celiyo Prof. Cadaad iyo Keyse Cali Geedi, waxay ku war heleen in Jaamacadda uu ka socdo shir wada jir ah oo ay lahaayeen gollaha sare iyo dhammaan maamulka Jaamacadda Hargaysa, kaasi oo ay tuhunsanaayeen in lagaga shirayo Prof. Cadaad iyo Prof Keyse, waxaanay carqaladeeyeen Shirkaasi. Shirkaasi oo Guddida sare ee Jaamacaddu Hagaysay ayaa hakaday kadib markii Ardaydu hoolka gashay islamarkaana rabashtay shirkii.
Guddida sare oo u badan Wasiiro iyo Madaxda Jaamacadda ayaa iyagoo falkaasi ka jawaabaya waxay Magacyada tobaneeyo Arday oo ka mid ah kuwa shirka maamulka jaamacadda rabshayn u gudbiyeen Dambi baadhista, waxaanay amreen in la soo xidho.
Waarankaasi Ardayda iyo muranka hore ee taagnaa ayaa xaaladda uga sii daray waxaanay 27 July,2015 oo shalay ahayd keentay in Arday tiro badan oo kuwa Jaamacadda ahi hor istaagaan Imtixaanka shalay la gali lahaa, islamarkaana burbur soo gaadho Baabuurtii,iyadoo Shaqaalaha jaamacadduna sheegtay dhaawacyo soo gaadhay.
Arrintan Shalay ka dhacday Jaamacadda Hargeysa, ayaa la sheegay inay soo dedejiyeen laba arrimood oo kala ah in Ardayda Imtixaanka gali lahayd qaarkood yihiin kuwa Waaranka qabashada ahi ka yaalo, halka arrinta kalena tahay in ka hor fasaxa Jaamacadda laga wada hadlo khilaafka hogaanka Jaamacadda u dhexeeya.
Arrinta shalay ka dhacday Jaamacada ayaa sababtay in Imtixaanka Jaamacadda dib loo dhigo muddo aan cayinayn, islamarkaana Shaqaalaha jaamacadda iyo guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Gaas wacad ku maraan inaan la furi doonin jaamacadda ilaa talaabo laga qaado cida rabashka ka dambeysa.
Isku soo wada duub oo arrintan ayaa dhaawac ku ah Jaamacadda Hargeysa oo ah Jaamacadda ugu balaadhan ee Sumcadda iyo Karaamada lahayd, balse hadda la moodo in ilaa hogaankeeda Mixnado aan wacnayni galeen, sidoo kalena Ardaydu la kala safan tahay Hogaanka is haya.