Somalia: Shirkada Dahabshiil Group oo deeq raashin ah gaadhsiisay qaar ka mid ah cisbitaalada Muqdisho

Date:

Shirkada Dahabshiil Group ayaan maanta deeq raashin ah oo isugu jirta Bur, Bariis, Sokor, iyo Saliid gaarsiiyey afar ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasoo kala ah Isbitaalka Keydsaney, Isbitaalka Banaadir, Isbitaalka dhimirka ee Dr. Xabeeb iyo Isbitaalka dhimirka Laa-saleeti.

Madaxa Xiriirka macaamiisha ee shirkada Dahabshiil Group Garaad Ibraahim Sabriye oo ka hadlay gaarsiinta deeqda Isbitaladaas ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka shirkadda uu go’aansaday in ay gar gaar u fidiyaan dadka danyarta ah.

?
Taakulaynta Dahabshiil ee Bukaanadda Cisbitaalka Kaydsaney

“Waxaa maanta shirkada Dahabshiil Group ay deeqdaan raashinka ah ku wareejisey Isbitaaladanm Dadkan bukaanka ah shalay waxay ahaayeen dad bulshada dhexdeeda qiimo ku leh oo isugu jiray macalimiin , engineeros, ganacsato, ciidamo, maantana xaaladooda waa aragnaa ma sheegan karaan in xanuun hayo oo ay daawo u baahan yihiin , ma sheegan karaan gaajo, arrad, darxumo kale midna sidaas awgeed xilweyn baa dhammaanteen innaga wada saaran ee aad halooga war hayo, haddii ay bogsadaan booskoodii hore ayay buuxinayaan, ilaahayna waa inoogu danbi dhaafayaa”ayuu yiri Madaxa xiriirka Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil Group.

Agaasimayaasha Isbitaalada Keydsaney, Banaadir, Laansaleeti iyo Xarunta Dr. Xabeeb ayaa ka mahad celiyey deeqda raashinka ah ee ay soo gaarsiisay Shirkada Dahabshiil Group, waxaana deeqdan ay ku soo beegmeysa xilli ay aad ugu baahanyeen dadkan danyarta ah oo isugu jira dad xanuunsan oo qarkood ay dhimirka la’yihin , taasoo farxad ku reebeysa qulubtooda xilli bisha barakeysan ee Ramadaan ay gabo gabo ku dhow-dahay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...