Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka ayaa bilaabay silsilad wacdi ah oo muuqaal ah, wuxuna ugu talo galay in bulshada af-Soomaaliga ku hadaashaa ay wacdigan Ramadaanta la socdaan.
Silsiladdani waxa ay gaar ahaan ku saabsan tahay akhlaaqda qofka Muslimka ah; ha noqoto xidhiidhka uu Illaahay la leeyahay, Rasuulka SCW, samofalka waalidka, Qur’aanka iyo mowduucyo kale oo muhiim ah oo si joogto ah ula socon doontaan inta lagu gudo jiro Ramaadaanta.