Subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah ayaa gaari lagu soo xirey bom lagu qarxiyey albaabka laga galo hoolka Kafaalo ee uu ka socdo shirka maamulka loogu samaynaayo gobolada dhexe.
Qaraxa markii uu dhacay kadib ayaa la sheegayaa saddex qof oo hubeysan in ay isku dayeen in ay gudaha u galaan halka shirku ka socdo, waxaase ka hortegey ciidamada AMISOM/Itoobiya ee shirka ilaalinaya, waxaana ay isla goobtaas ku toogteen saddexdii nin ee hubeysnaa, sidaas waxaa Reuters u sheegey sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka amaanka oo lagu magacaabo Nuur Ahmed.
Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in weerarku abuuray argagax iyo xaalad akcsan, ma jirto khasaaro soo gaartey ergooyinka shirka ka qaybgalaya.
Weerarkan waxaa sheegtey al-Shabaab waxaana ay soo qorteen in ay weli ka dhex-dagaalamayaan gudaha hoolka shirku ka socdo!.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Dowladda federaalka ayaa sheegay in weerarkan ay fashiliyeen ciidamada amniga iyo kuwa AMISOM.
Weerarkan ayaa ku beegamaya iyada oo maanta ay tahay maalintii u horeysey ee bisha barakaysan ee Ramadaan.
Dowladda Federaalka iyo AMISOM ayaa horey uga digey in ururka al-Shabaab ay kor u qaadayaan weeraradooda mudadda dadku sooman yahay ee ramadaanka lagu jiro.