Kenya: Thomas Evans oo ka tirsanaa al-Shabaab ayaa lagu diley dagaalkii Lamu ee Kenya

Date:

Waxaa la aqoonsadey mid kamid ah 11 nin oo ka tirsan al-Shabaab oo subaxnimadii Axadda lagu diley gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Thomas Evans oo u dhashey dalka Britain isla markaana diinta Islaamka qaatey markuu ahaa 19 jir, ayaa la xaqiijiyey in lagu diley dagaalkii koox ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaaley gobolka Lamu ee xeebaha Kenya.

15_evans2_w--(None)_LRG
Thomas Evans

Thomas Evans ayaa la baxay Abdul Hakim waxaana uu dhashry sanadkii 1991.

Thomas Evans (Cabdixakiim) ayaa Soomaaliya u safrey sanadkii 2011 si uu ugua mid noqdo ururka al-shabaab waxaana uu ka galay dhanka Kenya, ka hor inta aanu tegin Soomaaliya ayuu muddo ku sugnaa dalka Masar isaga oo safarkiisa ku sheegey in uu soo baranayo afka Carabiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK ayaa sheegtey in ay baareyso warka Kenya ka soo baxay ee dhimashada Thomas Evans ee loo yaqaaney Abdul Hakim.

Thomas Evans (Abdul Hakim) sawir hore
Thomas Evans (Abdul Hakim) sawir hore

Ciidamada Kenya ayaa soo bandhigey meydadka 11 nin oo laga diley kooxda al-Shabaab kuwaas oo ay ku jiraan laba nin oo caddaan ah, waxa ay xirnaayeen qaarkood dharka tuutaaha, waxaana Kenya sheegtey in laga furey hub badan iyo waxyaabaha qarxa.

Kooxdan ayaa la aaminsan yahay in ay hawlgalo badan ka fuliyeen xeebaha Kenya gaar ahaan dilkii ka dhaca bishii June magaalada Mpeketon ee lagu diley 48 qof.

Muwaadiniinta u dhashey dalka Britain ee ka mid noqdey al-Shabaab ayaa lagu sheegaa in ay ka badan yihiin 50 qof.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...