Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa magaalada Geneva kulan kula leh wasiirka arrimaha dibbada ee Iran, Mohammad Javad Zarif, kulankaasi oo qeyb ka ah dadaalka lagu doonayo in heshiis kama dambeys ah looga gaaro barnaamijka nuclearka ee Iran.
Arrimaha la isku mari la’ yahay ayaa waxaa ka mid ah baaritaanka xarumaha nuclear-ka Iran iyo sidii dalkaasi looga fududeyn lahaa cunaqabateynta.
Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araqchi oo ka hadlaya wahadalkan ayaa sheegay in ay sii wadaan kawada xaajoodka hannaan baratakool oo dheeraad, taas oo ku aadan in la waraysto Khuburada Nukliyeerka iyo in baadhitaan lagu sameeyo saldhigyada ciidammada.
waxa uu intaas ku daray in aysan jirin wax ay ku heshiiyeen.
Dhanacyada wadahadlaya waxa ay qabsadeen dhamaadka bisha lixaad ee sanadkan in ay ku soo afjaraan wadaxaajoodka.