Badhasaabka gobolka AWDAL, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Somalilandtoday ayaa beeniyey inuu aflagaadeeyay shirkadda Dahabshiil.
Guddoomiye Ramaax oo daba socday warar ay qoreen mareegaha Internet-ka laga akhristo oo lagu sheegay inuu aflagaadeeyay shirkadda Dahabshiil, ayaa sheegay in shirkaddaasi aanay cay iyo xumaan midna geyin, hasa-yeeshee amar uu siiyey Maamulaha Dahabshiil ee Borama si qaldan loo tarjumay, laakiin isaga ujeeddadiisu ahayd sidii Xafiiska shirkadda ee Borama hortiisa loo sudhi lahaa calanka Jamhuuriyadda Somaliland, kana qayb-qaadato dabaal-deggii 18-ka May.
Maxamuud Cali Saleebaan, oo sharaxaya hadalka laga been abuuray ama sida qaldan loo tarjumay waxa uu ahaa ayaa yidhi “Hadal aan kula hadlayey ganacsatada gobolka AWDAL ayay saxaafadda Qaarkood si qaldan u tarjumeen, waxayna sheegeen inaanu Dahabshiil isku dhacnay, markaa waxaan ka raali-gelinayaa Dahabshiil in qaabkaa warka loo qorey aanaan anigu hadalka u odhanin”
Guddoomiyaha AWDAL, waxa uu sheegay oo kale “Waxay ahayd uun in xafiiska Dahabshiil ee Borama uu qayb-galo (xuska 18-ka May) maadaama oo uu horena uga qayb-geli jiray, waxaanan Inanka Xafiiska Dahabshiil ee Borama (maamula) amray inuu calanka sudhu (xafiiska Dahabshiil hortiisa)…laakiin aad baan uga xumahay sida ay u tarjumeen qaar Website-dada ka mid ahi” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Shirkadda Dahabshiil igama geydo inaan caayo..”
Badhasaabka AWDAL, waxa uu sheegay in ka qaadashada shirkadaha ee xuskii 18-ka May ay qaarkood shahaado sharaf ku guddoonsiiyeen “Somtelba shahaado sharaf ayaanu ku siinay (Siday uga qayb-qaateen xuska 18 May)..” ayuu yidhi, Guddoomiye Ramaax.