Libiya oo diidan Qorshaha EU ee la dagaalanka Tahriibta

Date:

Dowlada Libiya ayaa diiday qorshaha Wadamada EU doonayaan inay uga hortagaan kooxaha ka ganacsada Tahriibta.

Qorshahan oo lamid ah kii EU-da ee la dagaalanka BurcadBadeeda Soomaaliya ayaa la doonayey in maraakiib iyo ciidamo ka socoda Midowga Yurub la geeyo xeebaha Liibiya, balse dowlada Liibiya ayaa sheegtay inay taasi tahay ku xadgudub Madax-banaanideeda.

Xukuumada Caalamka Aqoonsan yahay ee Libiya ayaa Salaasadii shalay si rasmi ah u sheegtay in ciidamo ka socda EU aysan soo geli karin biyaha iyo dhulka dalka Libiya.

Warkan kasoo baxay dowlada Libiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladaasi diyaar u tahay inay Midowga Yurub kala shaqeyso la dagaalana tahriibta balse aan lagu soo xad-gudbi karin badeeda iyo xeebaha dalkaasi.

Midowga Yurub ayaa hada diyaarinaya ciidamo ay si wadajir ah dalalkaasi u sameenayaan kuwaasi oo xaruntoodu noqon doonto dalka Talyaaniga.

Balse qorshahan ayaa u muuqda mid caqabad weyn hortaagan tahay kadib diidmada qayaxan ee ka timid dowlada Liibiya oo Qaramada Midoobay u gudbisay go’aankeeda.

Sidoo kale dowlada Ruushka oo xurguf siyaasadeed ka dhaxeyso Midowga Yurub ayaa sheegtay in ay horjoogsan doonto qorshaha EU-da hadii la horkeeno Golaha Amaanka, halka dalka UK uu oo isna xubin joogta ka ah golahaasi uu Midowga Yurub ka balanqaaday inuu qorshahan marsiin doono Qaramada Midoobay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...