Golaha Shacabka ee dalka Ruushka ayaa Jimcihii shalay ansixiyey sharci cusub oo lagu xadidayo dhaq dhaqaaqa hay’adaha madax banaan NGO ee dalkaasi ka hawlgala.
Sharcigan ayaa lagu sheegay in hay’adaha khatar ku ah amniga, difaaca iyo dastuurka dalkaasi aan loo ogolaan doonin inay ka hawlgalaan dalkaasi.
Ansixinta Golaha Shacabka ee loo yaqaan Doema ayaa waxaa loo gudbin doonaa Golaha Federaalka, kadibna waa inuu saxiixaa Madaxweyne Vladamir Putin.
Hay’adaha xaquuqul Insaanka ee Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa cambaareeyey sharcigan cusub oo ay ku tilmaameen mid lagu caburinayo bulshada rayidka maadaama aysan si tafaftiran u qeexneyn cida loo aqoonsayo in amniga uu lid ku yahay sida sharcigan ku qoran.
Waxayna hay’adaha dhaliilsan sharcigan ku tilmaameen mid u fududeenaysa in dowlada ay xir xirto hay’adii ay doonto.
Waxaa sidoo kale sharcigan qorayaa in Bangiyada aysan wax ganacsi ah la sameyn Karin hay’adaha dowlada xayiraado saarto.