Cuba: Madaxweynaha Faransiiska oo gaadhay Dalka Cuba

Date:

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande, ayaa la kulmay hogaamiyaha dalka Cuba, Raul Castro, intii lku guda jiray booqasho uu ku tagay magaalada Havana.

Waxa uu sidoo kale waqti la qaatay hogaamiyihii hore ee dalkaasi Fidel Castro.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, ayaa Mareykanka ku booriyay inuu Cuba ka qaado cunna qabateynta dhaqaalaha ee saaran, wuxuuna Cuba ku taageeray isbedelka ay sameysay.

Mr Hollande waa madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda dalka Cuba, tan iyo markii ay xurriyadeeda heshay, sanadkii 1898-dii.

Faafaahinta ka soo baxday kulklanka dhexmaray madaxweyne Hollande iyo dhigiisa Cuba Raul Castro, ayaa ah inay ka wada hadleen arrinta guud ee warbaahinta rasmiga ah ee dalka Cuba.

Sidoo kale way caddahay iyo labada madaxweyne ay isla eegeen arrimaha laba geesoodka ah eek a dhexeeya, iyagoo si gaar ah u taabtay su’aasha la xiriira diblumaasiyadda caalamka iyo dhaqaalaha Cuba.

Shirkadaha Faransiiska eek a howlgala dalka Cuba, waxay diyaar u yihiin inay kordhiyaan maalgashigooda Jasiiraddan, waxayna labada dhinac ka munaaqashoodeen sii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Madaxweyne Hollande ayaa sheegay inuu kala hadlay Mr Castro, caqabadda haysata arrimaha xuquuqul insaanka, balse ma uusan booqanin xarumaha mucaaradka.

Laakiin xaqiiqdii, booqashadan waxa ay farriin u direysaa xukuumadda Washington iyo dalalka kale ee midowga Yurub, ayna u muuqato xiriirka qotada dheer ee faransiiska kala dhexeeyo Cuba.

Waxaana la filan karaa in tani ay hordhac u noqoto safafka loogu jiro markey timaado bilaabidda xarumo maamulo dhaqaalaha.

Faransiiska, ma uusan jarin xiriirkiisa diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyo Cuba, xittaa markii uu socday dagaalkii qaboobaa ee dunida.

Taasi asigoo ka faa’ideysanaaya ayaa Madaxweyne Hollande waxa uu doonayaa in Mareykanka uu u sheego inuu Cuba ka qaado cunna qabateynta dhaqaale ee saaran.

Markii ugu horeysay ee uu gaaray Cuba, waxa uu la kulmay madaxweynihii hore ee dalka, Fidel Castro, oo hadda ah 88-sano jir, waxa uu qabilaa marti sharafta oo keli ah.

Iyadoo taasi ay jirto, hadana waa markii ugu horeysay oo inkabadan 100 sano uu Cuba tago madaxweyne Faransiis ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...