UK Election: Xisbiga Conservative-ka oo ku guuleystey doorashadii Britain 2015

Date:

Xisbiga Conservative ayaa noqonaya xisbiga ugu ballaaran ee Britain kadib markii ay heleen inta badan kuraasta Baarlamaanka Britain doorashadii maalintii Khamiista dhacdey,  Waxaa si weyn loo saadaalinayaa in Xisbiga Hantigoosadka ee Conservative-ka  uu helayo codad ku filan oo uu ku soo dhiso karo Xukuumad keligood ah oo aysan u baahneyn in ay Xisbiyo kale kaashadaan, sida la qiyaasayo waxay helayaan 331 kursi.

Xisbiga Conservative ee hayey talada dalka Britain shantii sano ee la soo dhaafey ayaa lagu wadaa in uu urursado kuraas gaareysa 331 kursi, waxaana horey u haysteen 302 taas oo ka dhigan in ay heleen kuraas cusub, iyada oo tirada guud ee Xildhibaanada UK ay tahay 650 Xildhibaan, waxaana dowladda lagu dhisi karaa 326 kursi.

Xisbiga Shaqaalaha ee uu hoggamiyo Ed Miliband ayaa lagu wadaa in ay hoos uga dhacaan kuraastii ay horey u lahayeen oo ahayd 256 kursi, waxaana hadda ay helayaan 232 kursi, taas oo si weyn uga duwan saadaashii warbaahinta iyo hay’adaha cilmibaaristu isku raceen in doorashadu noqoneyso mid la isku bar-bar dhaco. Guudalarada Xisbiga Shaqaalaha ayaa ah tii xumeyd ee soo gaarta tan iyo sanadkii 1987.

Ed Miliband ayaa weji gabax kala kulmey Scotland oo horey si weyn xisbigiisa looga soo dooran jirey, waxaana uu fariin u direy dhamaan Xildhibaanadii xisbiga shaqaalaha ee looga guuleystey Scotland, isaga oo ku tilmaamey habeen kharaar.

Hoggaamiyaha xisbiga SNP  Nicola Sturgeon
Hoggaamiyaha xisbiga SNP Nicola Sturgeon
Mhairi Black
Mhairi Black

Xisbiga guusha ugu weyn raacdey ayaa ah xisbiga SNP ee Scotish National Party, waxaana lagu wadaa in uu urursado kuraas dhan 56 kursi, iyaga oo horey u haystey 6 kursi oo keliya.

SNP ayaa si weyn looga soo doortey gobolka Scotland oo horey looga dooran jirey Xisbiga shaqaalaha Labour Party, iyo Libdem.

Xisbiga SNP ayaa noqonaya Xisbiga saddexaad, waana Xisbiga hadda ugu weyn gobolka Scotland. Waxyaabaha taariikhda galay ee doorashada UK 2015 ayaa ah in markii u horeysey muddo qarniyo ah Baarlamaanka UK uu soo galey qof 20 sano jir ah, Mhairi Black oo gabar dhigata Jaamacadda Glasgow ayaa loo doortey Baarlamaanka UK, waxaana ay ka soo gashey Xisbiga SNP, iyada oo dhulka ku jiidey ruug-cadaa muddo 20 sano ah soo fadhiyey Baarlamaanka UK oo ka tirsanaa Xisbiga Labour-ka, Douglas Alexander, kaas oo ay kursiga kula tartantey.

Hogaamiyaha Xisbiga shaqaalaha Ed Miliband
Hogaamiyaha Xisbiga shaqaalaha Ed Miliband

Waxyaabaha kale oo taariikhda galey waxaa kamid ah in magacyo kuweyn siyaasadda UK ay ku khasaareen in dib loogu doorto baarlamaanka, waxaana kamid ah Ed Ballas oo ahaa mar musharaxa hoggaamiyaha Xisbiga shaqaalaha haddana ahaa ku xigeenka.

Xisbga Liberal Democrat ee uu hoggaamiyo Nick Clegg ayaa noqdey mid daadku qaadey isla markaana ay ku dhacdey khasaarada ugu ballaran waxaana uu hoos ugu dhacay wax ka hoseeya 10 kursi, halka uu horey u haystey 56 kursi, Xisbigan ayaa eersadey kamid noqoshadii Xukuumaddii David Cameron ee ay kula midoobeen dowladda sanadkii 2010, waxaana ay ku khasbanaadeen in ay wax badan ku shaqeeyan siyasad ka hor imaaneysa tagerayaashooda.

nick_clegXisbiga sida weyn loo saadaalinaayey in u doorashadan guul ka keeni karo isla markaana ku dhisan cunsurinimada ee UKIP ayaan noqon sida la filaayey, waxaana lagu wadaa in ay helaan laba kursi oo keliya iyada oo ay dhici karto in ay helaan hal kursi oo keliya, kadib markii hoggamiyahoodi looga adkaadey kursigii uu u tartamaayey. Xisbiyada kale ee yaryarka ah ayaa wadar ahaan helaya 15 Kursi.

Hogaamiyaha xisbiga UKIP Nigel Farage oo ku guuldareystey in uu soo galo Baarlamaanka
Hogaamiyaha xisbiga UKIP Nigel Farage oo ku guuldareystey in uu soo galo Baarlamaanka

Baaritaano badan oo la sameeyey ayaa la saadaalinaayey in labada Xisbi ee Shaqaalaha iyo Hantigoosadku ay isku barbar dhacayaan, taasise waxay noqotey mid beenowda, sanadkii 1992 ayaa sidaan oo kale la saadaalinaayey in labada xisbi ee u weyn isku kuraas noqonayaan. Xisbiga Conservative oo uu markaas hoggaaminaayey Sir John Major ayaa si weyn ugu guuleystey weliba aqlabiyad ah.

Guusha Xisbiga Conservative party ayaa la aaminsan yahay in ay timid kadib markii ay isbedeleen taaageerayaashii Xisbiga xagjirka ah ee UKIP, kuwaas oo u arkey in ay codadkooda khasaarinayaan fursadna ay siinayaan Xisbiyada dhanka bidixda, waxaana la aaminsan ahay in Conservative party codad badan sidaas ku heleen.

I want to congratulate the editors of the Sun and Daily Mail. They’re geniuses. They said the UKIP vote would split the Tory vote. God help us,” UKIP Leader Nigel Farage

Si kastaba ha ahaatee David Cameron ayaa mar labaad soo dhisaya Xukuumadda Britain hoggaamineysa shanta sano ee soo socota,  waxaana la is weydiinayaa in uu hirgelin doono ballan qaadkii uu doorashada ku galay ee ahaa in dadka Britishka afti looga qaado in ay ka siimid ahaadaan Midowga Yurub iyo in kale waxaana aftida uu qorsheeyey in ay dhacdo 2017, Khudbad kooban oo guushiisa kadib jeediyey ayuu sheegay in uu dalka mideynaayo.

Dhanka kale waxaa is casiley Inta badan hoggamiyaashii Xisbiyada guuldaradu raacdey sdia Ed Milibadn o ahaa Hoggaamiyaha Xisbiga shaqaalaha, Nick Clegg o aha hoggaamiyaha LibDem iyo Hogaamiyihii isbiga xagjirka ah ee UKIP, oo siaga ayba ku adkaadey in u kursi ka helo Baarlamaanka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...