US: Booliskii Baltimore oo dacwad lagu soo oogay

Date:

Dacwad oogaha sare ee magaalada Baltimore ayaa waxa ay gudbisay eedaymo dambi oo ka dhan ah lix askari oo loo haysto kiiska nin madow ah oo lagu magacaabi jiray Freddie Gray oo ku dhintay gacanta booliska.

Dacwad ooge Marilyn Mosby ayaa sheegtay in dhimashada 25 jirka madowga ah ay tahay dil ninkaas loo gaystay, in markii hore la xarina ay aheyd sharci darro.

Dadka magaalada ayaa hadalkaasi farxad iyo damaashaad ku soo dhaweeyay, waxaana ka hadashay meeyarka magaalada Baltimore oo sheegtay in caddaalada aanay cidina ka sareyn.

Dadka magaalada Baltimore oo u dabaaldegaya dacwada lagu soo oogayo booliska

Qareenka u doodaya eedaysanayaasha booliiska, ayaa sheegay in aanay wax khalad ah samaynin nimankaasi.

Duqa Magaalada Baltimore, ayaa sheegtay in ay ku xanuunsatay, qaadan waana ay ku noqotay, kaddib markii lixdan nin ee booliiska ahaa lagu eedeeyay dhimasadii ninkii gacantooda ku jiray ee madawga ahaa Freddie Gray.

Iyada oo ka hadlaysa shir jaraa’id, Stephanie Rawlings-Blake, ayaa waxa ay u jeedisay digniin adag qof kasta oo ka mida booliska magaalada Baltimore oo laga yaabo bay tiri in uu sharciga dabamaro, waxayna sii raacisay cidd sharciga ka saraysaa ma ay jirto.

Lixda nin ee booliska ah, ayaa wajahaya eedaymo ay kamid yihiin dil darajada labaad ah, garaacid iyo xadhig sharci darra ah.

Dhimashada Freddie Gray, waxaa ka dhashay rabshado ka abuuurmay gudaha magaalada Baltimore, rabshadahaasi ayaa waxa ay keeneen in magaalada lagu soo rogo bandow iyo in la dalbado ciidammada gobolka ee Ilaalada Qaranka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...