Ciidamada Faransiiska ee Afrikada Dhexe oo lagu eedeeyey faraxumeyn

Date:

Caruur badan ayaa la aaminsan yahay in ay fara xumeeyeen ciidamada Faransiiska ee nabad ilaalinta u jooga dalka Afrikada Dhexe.

Faraxumeynta loo geystey caruurta ayaa dhacdey dhamaadkii sanadkii 2013, waxaana warbaahinta si hoose ugu gudbiyey nin ka shaqeynaayey hawlgalka Qaramada Midoobey kaas oo hadda shaqadii laga joojiyey, sida uu qorey The Guardian.

Warbixintan oo ahayd sir banaanka u soo baxdey ayaa Afhayeen u hadley Wasaaradda Gaashaandhiiga Faransiiska oo lagu magacaabo Pierre Bayle sheegay maalintii shalay in aysan isku deyin in ay warbixintan qariyaan, waxaanase oggolaaneynaa in si madax-banaan loo baaro ayuu yiri.

Pierre Bayle oo la hadlaayey Raadiyaha France Info ayaa sheegay in haddii warbixinadan ay xaqiiqo noqdaan in askartii falkaas ku kacdey si adag loo ciqaabi doono.

Sida laga soo xiganayo wargeyska The Guardian qofka sirtan qarxiyey ayaa ah Anders Kompass oo u dhashey dalka Sweden, waxaana uu arrintaas ku waayey shaqadiisi uu ka hayey Qaramada Midoobey. ninkan ayaa hadda lagu hayaa baaritaan, isaga uu ku sugan Geneva.

Warbixinta uu soo gudbiyey ee sirta ahayd ayaa muujineysa sida wiilal da’doodu u dhexeyso 9 -13 ay ciidamada Faransiisku u faraxumeeyeen, waxaana ay ku khasbi jireen in ay cuno iyo lacag ku bedeshaan in ay isu dhiibaan askarta, kuwaas oo doonaya in ay ku sameeyaan fal ka baxsan anshaxa bini’aadanimada, waxaana kufsigan ka dhacay xero qaxooti oo ku dhaw caasimadda dalka Afrikada Dhexe ee Bangui halkaas oo ciidamada Faransiisku ilaaliyaan.

Dhanka kale Joornaalka ka soo baxa dalka Faransiiska ee Le Monde ayaa sheegaya in dhacdadan ay ku lug leeyihiin askar gareysa 15.

Mid kamid ah wiilasha ay kufsiga u geysteen ciidamada Faransiisku ayaa weli ku nol xerada qaxootiga e ay ilaaliyaan ciidamada faransiisku waxaana uu warbaahinta AP uga sheekeeyey sida ay ula dhaqmeen markii ay fara xumeeyeen kadib.

Warbixintan ayaa ruxdey dalka Faransiiska, waxaana dadka Faransiisku sheegayaan in ay tahay yax-yax iyo xaalad murugo leh.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa yiri askerigii aan ku helno denbigan, naxariis ma arkaayo.

Dalka Afrikada Dhexe waxaa labadii sano ee u danbeysey ka taagnaa dagaalo sokeeye kuwaas oo markii danbe isu bedeley kuwo dhanka diinta ah, waxaana si ba’an loo gumaadey dadka aaminsan diinta Islaamka oo laga tiro badan yahay.

Dalka faransiiska ayaa horey u soo gumeystey Afrikada Dhexe, waxaana uu dhamaadkii 2013 u direy kumaankun askeri si ay nabadda u ilaaliyaan

Askarta shisheeye ee nabad ilaalinta loo geeyo dalalka kale ayaa aalaba geysta falalka caynkan oo kale ah, waxaana ka buuxa qaar ka aradan anshaxa iyo asluubta askeriga.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...