Burundi: Arday Dalkaasi oo mudaaharaaday

Date:

Boqolaal arday ah, ayaa dalka Burundi xalay ku baryay iridka hore ee safaarada Maraykanka kaddib markii jaamacadooda la xiray si looga hortago dibadbaxyo ka dhan dowladda.

Waxay BBC u sheegeen in sababta ay u tageen safaaradda ay tahay in aysan caasimada Bujumbura ku heleynin amni.

Baraha bulshada ayaa la xanibay, waxaa la xiray xarumo raadiyayaal, waxaana la mamnuucay dibadbaxyada.

Dadwaynaha, ayaa dibadbaxayay tan iyo maalintii Axadda iyaga oo ka soo horjeeda go’aanka madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku sheegay in uu isku soo sharaxayo mar sadexaad bisha June.

Dowladda, ayaa xirtay jaamacada khamiistii iyadoo ku sababaysay amni daro laga baqayo.

Gelinkii hore ee Khamiistii, ayaa boqolaal arday ah waxay isu-soo-bax ka qaban-qaabiyeen bartamaha Bujumbura.

Waxay doonayeen in ay ka hortagaan in madaxweynuhu uu si rasmi ah ugu gudbiyo guddiga doorashada qorshihiisa dib isu soo sharixidda.

Ardayda ayaa u sheegay weriyaha BBC-da Maud Jullien oo halkaa jooga in safaaradda Marykanka ay tahay meesha keliya in ay u arkaan in ay ku badbaadayaan, waxayna sheegeen in ay ka baqayaan xoogagga ammaanka.

Weriyaha ayaa ku qiyaastay in ku dhawaad 500 oo arday ah ay hor joogaan bannaanka safaaradda.

Saraakiisha Maraykanka ee safaaradda ayaan jawaab kama bixin ardayda hor tuban safaaradooda.

Tom Malinowski, oo ah diblumaasi sare oo Maraykan ah, ayaa la kulmay Mr Nkurunziza Khamiistii, wuxuuna markaa kaddib sheegay in uu uga digay xaalada Burundi oo khatar sii gali karta.

Wuxuu weriyayaasha u sheegay in qaar ka mid ah tallaabooyinka lagu xiray baraha bulshada iyo idaacadaha in aysan ahayn oo keliya arrin qaldan balse ay dhibaato keeni karto.

Dibadbaxyada, ayaa ah kuwii ugu ballaarnaa ee ka dhaca dalka Burundi tan iyo dagaalkii sokeeye ee soo idlaaday sanadkii 2005-tii.

Mr Nkurunziza, oo horay u hoggaamin jiray falaago, ayaa waxa uu ka digay cidii doonaysa in ay dhibaato ay ku sameyso xisbiga talada haya in ay iyaga laftirkooda ay dhibaato raadsanayaan.

Dastuurka dalka u yaalla, ayaa waxa uu dhigayaa in madaxweynaha la dooran karo laba jeer laakiin dadka asxaabta la ah Mr Nkurunziza, ayaa sheegaya in markii koowaad oo jagada madaxweyne uu qabtay aan loo xisaabin sababtana waxa ay ku sheegeen in xilligaa baarlamaanka uu soo doortay.

Aqalka senate-ka Burundi, ayaa shaaciyay in maxkamadda dastuuriga ay eegeyso sharciga loo maray qorshaha madaxweynaha.

Mr Nkurunziza ayaa xilka hayay tan iyo sanadkii 2005-tii, markaas oo aheyd wakhtigii uu dalkaasi si rasmi ah uga dhamaaday dagaalkii sokeeye.

In ka badan 300,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, oo u dhaxeeyay qabiilka laga tirada badan yahay ee Tutsiga oo ku badan ciidamada iyo kooxaha falaagada ah ee Hutu-ga, oo ka mid ah xisbiga Mr Nkurunziza ee CNDD-FDD.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...