Waxaa maanta lagu wadaa inay shir deg deg ah isugu yimaadaan hogaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub oo ka tashanaya sidii ay ka yeeli lahaayeen tahriibta badan ee kusoo qul qulaysa qaarada.
Isniintii lasoo dhaafay ayey kulan horudhac ah magaalada Brussels ku yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibada ee Midowga Yurub, shirkaasi ayaa waxaa lagu soo saaray 10 qodob oo soo jeedin ah, qodobadaasi oo maanta looga doodayo shirka dhacaya.
Waxaa ku jira qodobada maanta laga doodayo in dib loo celiyo 150.000 tahriibayaal ah oo hada ku sugan Talyaaniga, kuwaasi oo ay ku jireen kuwii sanadkii hore soo galay.
Qorshahan ay ku heshiiyeen Wasiirada EU-da ayaa la sheegay in 5000 qof oo kaliya loo ogolaan doono degenaasho qaxootinimo sanadkiiba, halka inta kale dib loo celinayo.
Sidoo kale qodobada laga hadlay ayaa kamid ah in la kordhiyo miisaaniyada loo qoondeeyey hay’ada Midowga Yurub u illaalisa badeeda ee loo yaqaan Frontex.