Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan-koodii caadiga ahaa oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray Amniga guud ee dalka, xaaladaha dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Yaman iyo Kenya, waxana ay Xukuumaddu madaxooda dul-dhigtay lacago hoggaanka ugu sareeyo Kooxda Al-shabaab.
Ugu horeyn. Golaha Wasiirada ayaa ka dooday liis ay ku qoran yihiin 11 horjooge oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, waxana golaha wasiiradu ansixiyeen lacago lagu abaal marinayo cidii keenta macluumaad ku aadan halka ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha sar sare ee ururka Al-shabaab. Ragga ay dowladda Soomaaliya lacagta ku raadinayso waxaa ku jira hogaamiyaha guud ee Al-shabaab Axmed Diiriye oo Shabaab dhexdooda looga yaqaan Abu Cubayda, kaas oo madaxiisa la dul dhigay $250,000.
Sidoo kale waxaa abaalmarin lacageed oo gaaraysa $150,000 ilaa $100,000 qofkiiba la dul saaray madaxda kale ee Al-shabaab sida; Mahad Warsame Qalay (Mahad karate), Cali Maxamed Raage (Sh. Cali dheere), C/laahi Cabdi (Da’ud Suheyb), Maxamed Maxamuud Nuur (Suldan), Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto), Xasan Maxamed Cali (Afgooye), C/laahi Cismaan (Ismaaciil), Maxamed Cabdi Muuse (Haabiil), Maxamed Maxamuud (Dul-yadeyn Kunno), Yaasiin Cismaan (Kilwa) waxaa abaalmarintan qaadan doona cid walba oo sheegta meesha ay joogaan raggan ama suuragalisa in gacanta lagu dhigo.