USA: Askari Maraykan ah oo loo haysta dilka nin madow

Date:

Maamulayaasha gobolka South Carolina ayaa dacwad ku soo oogay sarkaal caddaan ah oo toogasho ku dilay nin madow oo u muuqday inuu ka baxsanayey.

Duqa magaalada North Charleston, Keith Sumney, ayaa sheegay in go’aanka ah in sarkaalkaas la xiro la qaatay markii toogashada laga daawaday filim uu qaaday qof waddada dhinaceeda taagnaa.

Filimka ayaa muujinayey ninka la dilay, Walter Scott, oo dhabarka laga toogtay, kaddib isqabqabsi muddo yar socday oo dhexmaray isaga iyo sarkaalka.

Ferguson
Magaalada Ferguson ayay horey uga dhaceen dibedbaxyo loga soo horjeeday dilka wiil madow ahaa.

Arrintu waxay ka bilaabatay markii scott loo joojiyey nal dambe oo gaarigiisa ka jabnaa.

FBI-da iyo waaxda caddaaladda ayaa baaritaan wadajir ah sameynayo.

Walter scott walaalkiis, Anthony, ayaa sheegay in qoyska ay go’aankaas ku diirsadeen, oo ay u arkaan in cadaaladda la xaqiijiyay.

Arrintan ayaa timid iyadoo dalka Maraykanka dib u eegid lagu sameynayo tallaabooyinka laga qaado askarta caddaanka ah ee toogashada ku disho dad madow ah oo aan hubaysneyn.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...