Dowlada Turkiga ayaa Isniintii shalay hawada ka saartay baraha internetka ee Facebook, twitter iyo Youtube.
Tilaabadan ayey dowlada Turkiga qaaday kadib markii internetka lagu faafiyey Sawiro muujinaya dilkii loo geystay Xeer Illaaliyihii lagu dilay magaalada Istanbuul todobaadkii lasoo dhaafay.
Xukuumada Turkiga ayaa ku amartay shabkadahaasi inay ka saaraan kaydkooda Sawiradan, shirkada Facebook ayaa saacado kadib hawada dib ugu soo noqotay kadib markii ay sawiradaasi ka saartay shabakadeeda.
Maanta oo Salaasa ah ayaa sidoo kale la fasaxay Twitter iyo Youtube.
Sawirada dowlada Turkiga ka xanaaqday ayaa waxaa horey u shaaciyey Jaraa’idka kasoo baxa dalka Turkiga waxaana, markii danbe qaatay warbaahinta caalamiga ah, sawiradan waxaa ka muuqda Xeer Illaaliyihii Istanbuul oo ay todobaadkii hore dileen labo nin oo hubeysan oo muddo saacado ah afduub ku heystay.