Somaliland:Gudoomiye Xigeenka Saddexaad Ee Ucid Oo Lacagta Ganacsatada Baabuurta Soo Dejisaa Ka Cabatay Ku Tilmaamay Arrin Qoys

Date:

Gudoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga Ucid, Mujaahid Cali Guray, ayaa si adag uga soo horjeestay nidaam Ganacsatada Baabuurta Xukumaddu ku soo rogtay oo ku saabsan in Gaadiidka dekedda ka soo degaya laga qaado lacag dhan 80 Dolar lana hubiyo tayadiisa.

Mudane Cali Guray, oo lagu waraystay Barnaamijka Hal adayg ee ka baxa HCTV, ayaa sheegay in nidaamkaasi yahay mid Qoyska Madaxtooyadu wato Somaliland aanu hanaankaasi ka suuro galayn.

“Arrinkaasi annagu waanu ognahay, Arrin dan dawladdeed ku xidhiidha maaha, Qolo maaha ee waa arrin qoys, waana Danni Hunguri. Waa baad loo badheedhayo in dadka laga qaado. Waxyaabaha aadka u xun ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxtooyadiisu ku xun tahayna waa boobka hantidaasi umadda”, ayuu yidhi Cali Guray.

Mudane Cali Guray, waxa uu sheegay inaanu qaabkan lacagta qaaliga ah, sidoo kalena Baabuurta cusub la hubinayaa ahayn mid shaqaynaya “Haddaad gaadhigaaga Geerash gayso waxaa laguugu eegayaa Bilaash laakiin, kani waa Boqol doolar oo lagu eegayo Baabuurka cusub, maaha ka kii suuqa marayay ee ama Qiiqiisu badnaa, ama bilaa indhaha ahaa, ama bilaa Biriiga ahaa ee duugoobay kuwaas maaha, waxaa la ina leeyahay waxaanu tayadiisa eegaynaa Baabuurka shirkaddii soo samaysay ee Toyota ee Japan soo saxday in tayadiisu Sax tahay” ayuu yidhi Cali Guray.

Gudoomiye xigeenka saddexaad waxa uu arrintan ku eedeeyay Wiil Madaxweyne Siilaanyo Sodog u yahay “Waxan oo dhani waxay ku aroorayaan Inanka Madaxweyne Siilaanyo Sodoga u yahay oo ah qaybaha ugu faraha badan Musuqmaasuqa Somaliland” ayuu yidhi Cali Guray.

Ganacsatada soo dejisa Baabuurta ayaa si aada uga soo horjeestay arrintan islamarkaana sheegay in lacagtaasi tahay mid dad gaar ah lagu naasnuujinayo oo jeebado dad khaas ah ku dhacda. Waxay haatan ku hanjabeen inay Dekeddaha Somalia u wareegi doonaan haddii lacagtaasi laga dayn waayo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...