Somalia:Madaxweynihii Hore Ee Puntland Oo Cambaareeyay Weerarkii Al-Shabaab Ay Ku Qaaday Hotel Maka Al-Mukarrama

Date:

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa cambaareeyey weerarkii labo maalmood kahor Al-shabaab kusoo qaaddey hoteelka Maka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Faroole oo xilligan ku sugan dalka Australia ayaa weerarkaas ku tilmaamey fal waxashnimo ah lidna ku ah bini aadamnimada iyo mabaadi’da Islaamka [waa sida uu hadalka u dhigaye], wuxuuna tacsi u direy ehelada dadkii weerarkaas ku dhintey. Si gaar ah wuxuu ugu tacsiyeeyey qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegey Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari.

Isagoo hadakiisa sii wata wuxuu sheegay in dowladdu dayacdey ammaanka Danjire Bari-Bari islamarkaana ay qayb ku yeelaneyso mas’uuliyadda dilkiisa.

“Masuuliyadda waxa iska leh Dowladda Federaalka, ninkaas safiirka ah ammaankiisa in si gaar ah loo ilaaliyo ayay ahayd ma ahan inuu dadka caadiga ah iska dhex dego. Waan ku dhaliilayaa dowladda taas.” ayuu yidhi Faroole

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Faroole wuxuu Dowladda Federaalka ku eedeeyey inaysan baadhitaan iyo daaogal ku samayn weerarrada caynkan oo kale ah.

“Tacsi wax dhaafsiisan oo ay soo sheegaan maleh, lama baaro waxba lama soo sheego dambe, taxadar dambe lama sameeyo…waan ku dhaliilayaa dowladda taas.” ayuu yidhi

Weerarkii lagu soo qaadey hotel Maka Al-Mukarrama oo qaatey muddo 15 saac ka badan waxaa ku geeriyoodey 21 qof.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...