Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani ayaa weydiistay hoggaamiyeyaasha lixda quwadood ee dunida ee ay ka wadahadlayaan barnaamijka niyuukliyeerka dalkiisa in ay ka faa’iidaystaan fursad nooceeda oo kale aysan jirin oo heshiis lagu gaaro.
Wuxuu sheegay in Iran oo laga qaado dhammaan xayiraadaha saaran ay tahay tallaabada ugu weyn ee loo baahan yahay si heshiis loo gaaro.
Lixdani waddan iyo Iraan ayaa horey waxa ay u qabsadeen in ugu dambayn dhammaadka bishaan ay soo gaba-gabeeyaan heshiis horseedaya in la xakameeyo barnaamijka niyuukleerka Iraan, taa baddalkeedana laga khafiifiyo xayiraadaha saaran.
Iran waxa ay ku adkaysanaysaa in niyuukleerkeedu uu yahay mid loogu tala galay in laga dhaliyo koronto balse waddamada reer galbeedka ayaa ka cabsanaya in ay sameysato hubka wax gumaada ee niyuukleerka.