Xasaradda ka taagan dalka Yemen ayaa la filayaa in ay hareyso shirka labada maalmood soconaya ee jaamacadda Carabta, kaasi oo maanta ka billaabanaya dalka Masar.
Madaxda shirkaasi ka qaybgaleysa waxaa ka mid ah madaxweyne Cabdurabuh Mansuur Haadi oo arbacadii ka cararay dalka Yemen xilli Xuutiyiintu ay ku sii siqayeen magaalada Cadan.
Arrintaasi ayaa ka careysiisay Sucuudiga, balse saddex maalmood oo duqaymo ah ayaa waxaa lagu guuldaraystay in la hakiyo falaagada ay Iran taageerto.
Shirkaasi sanadlaha ah oo markii hore loogu tala galay in looga arrinsado qorshe lagu dhisayo ciidamo Carbeed oo wadajir ah, ayaa haatan waxaa lagu qabanayaa magaalada Sharmal-Sheekh iyada oo ammaanka aad loo adkeeyay.
Boolis dheeraad ah iyo ciidamada milatariga ayaa magaalada la geeyay waxaana diyaaradaha dagaalka ay dul heebaabayaan magaaladaasi.