Ciidamada Mareykanka ayaa billaabay in ay cirka ka duqeeyaan fariisimo ay Daacish ku leedahay magaalada hareereysan ee Tikrit ee dalka Ciraaq.
Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in weerarkaas uu ka dambeeyey codsi uga yimid xukuumadda Ciraaq.
Wariye halkaasi jooga waxa uu sheegayaa in uu maqlay diyaarado dagaal oo dushiisa maraya, oo ay ku xigeen dhowr qarax.
Ilaa hadda Maraykanku waxa uu iska fogeeyay in uu ku leg leeyahay hawlgallada ay askarta Ciraaqiyiinta ku doonayaan in ay dib ugala wareegaan Tikrit kooxda Daacish, sababtuna waxa ay tahay iyadoo dagaalka dhulka ay hoggaaminayaan maleeshiyada Shiicada ee Iran taageerto.
Duullaankaas waxa uu istaagay dhowr toddobaad ka hor.