Dowlada Turkiga ayaa dalkeeda ka tarxiishay sadex dhalinyaro ah oo ka yimid dalka UK kuwaasi oo doonayey inay ku biiraan kooxda Xagjirka ah ee ISIS.
Wiilashadan oo da’adoodu u dhaxeyso 17 sano jir illaa 19 sano jir ayaa la qabtay xili ay doonayeen inay ka tilaabaan xadka u dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Siiriya.
Dowlada Ingiriiska ayaa la sheegay inay kusoo wargelisay Turkiga dhalinyaradan doonaya inay ku biiraan kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Siiriya iyo Ciraaq.
Axadii shalay ayaa dib loogu tarxiilay dhalinyaradan dalkii ay ka yimaadeen, tilaabadan ayaa ah mid Turkiga uga hortagayo dhalinyarada ka imaanaya dalalka reer Galbeedka oo doonaya inay ku biiraan kooxda ISIS.
Sadexdan wiil ayaa la sheegay in la xiray kadib markii ay gaareen dalka UK, iyadoo aan weli la shaacin magacyadooda.
Bishii hore ayey ahayd markii sadex gabdhood oo ka yimid UK ay u gudbeen dalka Siiriya iyagoo siimaray dalka Turkiga.
Kooxda ISIS ayaa la aaminsan yahay inay ku biireen dhalinyaro gaareysa 22.000 kuwaasi oo ka yimid intooda badan dalalkaa reer Galbeedka.