“Somaliland Waxaa Soo Maray Madaxweynayaal Badan Silaanyo Uunba Wax Qabad Buuxa Muujiyay Waana Loo Kordhinayaa”. Suldaanka Guud Ee Somaliland.

Date:

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in Madaxweyne Silaanyo kaga duwanyahay dhammaan Madaxweynayashii dalka soo maray waxqbadka ballaadhan ee uu dalka ka hirgaliyay, sidoo kale wuxuu Suldaanku sheegay in nin diidan iyo mid ogolba aanu dalku dawlad la’aan galayn oo loo kordhinaayo Madaxweynaha haddii doorashada laga gaadhsiin waayo. Suldaanka oo arrintaas ka hadlaaya ayaa yidhi.

“Dalku wuxu ka soo gudbay maraxil kala duwan, waxaana soo maray Madaxweynayaal dhawr ah, Axmed Silaanyo mooyiye mid wax qabad intaas leeg muujiyay muu jirin, waxaan markaas leeyahay ku celintu dhibaato maleh lakiin sixun wax u sheega tashuushka la wareegaya ayaa dhibta wada. Dalkani dawlad la’aan gali maayo, falaastu waxay ka koobantahay laba quraaradood oo lays galiyay, haddii la kala saaro waxba laguma shuban karo, dawladnimaduna waa sidaa oo kale. Haddii wakhtigu saamixi waayo oo doorasho laga gaadhsiin waayo, nin diidan iyo mid jecelba waa loo kordhinaya dawladda annaga leh kii ka soo horjeedow dee waa inoo markaas annagaa ku arkayne”.

Hadalka Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa u muuqday inuu kaga jawabaayay weedhihii Isbahaysiga Mucaaridku shaciyeen in aan wixii ka danbeeyay 26 June, sannadkan aanay aqoon sanayn Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...