Guddoomiyaha Gobolka Selal Oo Qaylo-dhaan Abaareed Shaaciyay

Date:

“Xadka Dalalka Somaliland Iyo Jabuuti Wuu furan yahay Labada Dhinacbana waxaa ka jira Feejignaan Dheeraad ah, Mana jiraan wax doonyo kalluumaysi Kootarabaan ah”

Guddoomiyaha Gobolka Selal Cabdirisaaq Waabari Rooble,ayaa sheegay in xaalad abaareed oo baahsani ka taagan tahay gobolka Selal, taasoo uu sheegay in ay dadka iyo duunyadaba ku hayso dhibaato weyn.

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay in ay xukuumadda dhexe ka dalbadeen gurmad biyo dhaamis ah oo lagu badbaadiyo dadka ay abaartu hayso.

Guddoomiyaha Gobolka Selal oo khadka Telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan isagoo ku sugan Saylac , waxaa kale oo uu ka hadlay Xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti isu socodkiisa iyo sida ay uga hortagaan tahriibayaasha isku daya in ay ka tahriibaan xeebaha gobolka Selal.

“Horta gobolka xaalad abaareed oo baahsan ayaa ka jirta ILAAHAY ayaana innaga jabin kara, abaarta deegaanka ka taagan oo wada saamaysay deegaanka oo dhan ha ugu sii badnaato dhanka xeebta oo dhane, waxaana jirta in riigii ku yaalay laagta morohda in uu naga jaban yahay oo uu muddo labaatan cisho ahba naga fadhiyay,waxaanan dawladda dhexe ka codsanaynaa in ay nala soo gaadho gurmad deg deg ah oo biyo dhaamis ah oo lala soo gaadho dadka ay biyo la’aantu hayso oo imika khatar ku sugan isla markaana xaalad aadaminimo oo dhib badan ku sugan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Selal ,waxaa kale oo aanu wax ka waydiinay sida uu yahay xadka isku xidha Jabuuti iyo Somaliland xiligan ee laisaga gudbo.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay soohdinta u dhaxaysa labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti waxa uu yidhi “Xadku wuu furan yahay labada dalbana waa la isaga gudbaa laakiin waxaa jira taxadir badan labada dhinacba kaantaroolo baadhitaan ayaa ah, waxaanad ogtahay waxyaabaha mushkilada ah caalamka ku soo kordhay taasina waxay keentay in dhan waliba Feejignaan sameeyo oo uu ogaado cidda soo galaysa iyo cidda ka gudbaysaba laakiin xadku wuu furan yahay dhibaatona kama taagna.”

Waxaa kale ooaanu wax kawaydiinay sida ay ula socdaan dad tahriibayaal ah oo la sheegay in ay isku dayaan in ay ka tahriibaan xeebaha gobolka Selal,waxaanu ku jawaabay. “Horta in badan namaba soo gaadhaan oo intaanay soo gudbin ayay qabtaan ciidanka socdaalku laakiin wixii ka soo gudba annaguna waanu qabanaa oo dib ayaan ugu celinaa deegaanaday ka yimaadeen.”

Ugu dambayn waxaanu waydiinay waxay kala socdaan maamul ahaan doonyo kalluumaysi sharci darro ah oo la sheegay in ay ku sugan yihiin xeebaha badda gobolka Selal,waxaanu yidhi “Xiligan ma jiraan doonyo kalluumaysi sharci darroah oo ku sugan biyaha badda gobolka Selal, waxa heegan ugu jira oo mar kasta dedaal ugu jira ka hor tagga kaluumaystada sharci darada ah ee shisheeye ciidanka ilaalada xeebaha oo aan shaqadooda sida wanaagsan ee ay uga soo baxaan aan maamul ahaan ku ammaanayo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...