Somalia: Dowladda oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay darawalkii waday gaarigii ku qarxay agagaarka Maka-Almukarama

Date:

Afhayeenka laamaha amniga ee dowladda Federaalka Somalia Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shaqsigii waday gaarigii xalay ku qarxay dhabarka dambe ee Wadada Makka Al-mukarrma ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu daaha ka qaaday Afhayeenka in gaarigaan xogtiisa ay hayeen ayna ogaayeen kuna daba jireen waxaana uu sheegay in xog dheerada ay ka hayeen falka ka hor. “Cadeymaha gaariga waan haynaa, qofkii gaarigaasi waday waan soo bandhigaynaa, xogta gaarigaasi iyo qaraxaas waan soo banadhigeynaa iyo sida uu ahaa iyo halka uu ka yimid, aad waxaan ugu mahadcelinaynaa ciidamada amaanka qaranka feejignaantooda iyo diyaargarowgooda dheeriga ah” ayuu yiri Afhayeenka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu u mahad naqaya shacabka oo uu sheegay in ay si wanaagsan ula shaqeyaan laaamaha ammaanka dalka. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay aad u adkeeyeen amaanka guud ee magaalada Muqdisho, waxaana jiray qaraxyo badan oo ay horay u fashiliiyeen waxaana u dambeeyay midkii ka dhacay agagaarka isgooyska MBC kaa oo ay ciidanka dowladda ku qabteen gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay iyo rag waday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...