Sacuudi Carabiya ayaa u yeertay danjiraheeda u fadhiya dalka Sweden, iyadoo ay jirto xiisad diblomaasiyadeed oo sii kordhaysa oo u dhaxaysa labada dal.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Sweden ayaa sheegay in xukuumadda Sacuudigu ay ka xanaaqeen dhaliishii ay Sweden u jeedisay Sacuudiga ee ku aadaneyd xuquuqda aadanaha.
Afhayeenkasi waxa uu sheegay inaysan jirin qorshe ay Sweden ugu yeereyso safiirkooda Sacuudiga, waxa uuna intaasi ku daray inaysan go’in cilaaqaadkii diblomaasiyadeed.
Muranka ayaa yimid horaantii todobaadkan kaddib markii Swedan ay jartay heshiiska iskaashiga militeri ee soo jiraanka ahaa ay la laheyd Sacuudiga taas oo ka timid markii xukuumadda Riyaad ay is hortaagtay in wasiirkeeda arrimaha dibadda, Margot Wallstrom, uu kulanka Jaamacadda Carabta ka jeediyo qudbad ku saabsaneyd dimquraadiyadda iyo xuquuqda haweenka.