Raysal Wasaaraha Cumar oo la kulmay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jabuuti

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta booqday xarunta cusub ee Baarlamanka Djibouti ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti Mudane, Maxamed Cali Xumad iyo qaar ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka isagoo kala hadlay xiriirka labada dawladood ee walaalaha ah iyo gaar ahaan wada shaqaynta xoogan ee ka dhaxaysa labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Djibouti.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee dalka Djibouti,Mudane Maxamed Cali Xumad xilka loo magacaabay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in uu uga tacsiyaynayo Dawladda iyo Shacabka Djibouti geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Idriss Arnaoud Ali, Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka dalka Djibouti.

Ra’iisul Wasaare Cumar cabdirashiid waxaa uu yiri:

“Farxad ayay ii tahay maanta in aan soo booqdo dhismaha cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay. Waxaa jira guddiyo baarlamaan oo ka tirsan labada dal, kuwaasi oo si xoogan uga shaqeeya in wada-shaqayn buuxda ay yeeshaan mudanayaasha baarlamanka isla markaana ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibrado loogu adeegayo shacabka labada dal.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Baarlamanka iyo Shacabka Djibouti taageerada ciidan ee ay u fidiyeen dalka Soomaaliya. Dawladda iyo Shacabka Djibouti waxaa mar walba ay la garab taagnaayeen Soomaaliya taageero hiil iyo hooba leh tan iyo shirkii dib-u-heshiisiinta carta ee dawladda Djibouti ay martigalisay, waana sii xoojin doonnaa xiriirka iyo iskaashiyada u dhaxeeya labada dal.”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...