Ciidamada dowlada Ciraq iyo dagaalyahanada gaashaanbuurta la ah ayaa ku sii durkaya bartamaha magaalada Tikrit iyagoo qeyb ka ah weerar xoog leh oo lagu qaaday xooggaga ISIL ee hore la wareegay magaalada Tikrit iyo magaalooyin badan oo ku yaal dalka Ciraaq.
Cajalad muuqaal ah oo laga helay magaalada Tikrit ayaa lagu arkay ciidamada Ciraq iyo maleeshiyaadka Shiicada oo dhex socda gudaha magaalada Tikrit. Saraakiil u hadashay ciidamada Ciraaq ayaa waxa ay saxaafada u sheegeen in ay saacadaha soo socda guud ahaan magaalada Tikrit gacantooda soo geli doonto.
Hase yeeshee dagaal xoog leh ayaa ka socda wadooyinka magaalada TIkrit iyadoo burbur xoog leh laga soo sheegayo magaalada. Isbitaalka Milatariga ah ee Tikrit ayaa ka mid ah meelaha muhiimka ah ee ay ciidamda Ciraaqiyiintu ka qabsadeen xoogaga ISIL.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ciidamada Ciraaq iyo gaashaanburteda waxa ay la wareegeen dhowr magaalo oo ku taal duleedka magaalada Tikrit ee ah magaalada uu ku dhashay madaxweynihii hore ee dalka Ciraq Saddaam Xuseen waxana ka mid ah magaalooyinkaas al-Alam and al-Dour.
Ciidamada dowlada ayaa waxa la soo sheegayaa in ay qabsadeen ceelasha saliida ee magaalada al-Ojail oo ku taal meel u dhow Tikrit. Qabsashada magaalada Tikrit waxa ay u tahay guul dowlada Ciraaq waayo waxa ay u fududeyn kartaa in ay weerarto magaalada Mosul oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraq ayna haystaan ISIL.