Somalia: Al-Shabaab oo weerartay Magaaladda Wanlaweyn

Date:

Dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose, halkaasi oo ay la wareegeen saldhigga magaalada iyaga oo aan wax iska cabin ah la kulmin.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay maqlayeen ragga weerarka soo qaaday oo in muddo ah qaadayay takbiirta, ka hor inta aysan halkaasi isaga bixin.

Guddoomiyaha gobolkaasi Shabeelada Hoose Cabdulqaadir Siidii ayaa BBC-da u xaqiijiyay weerarkaasi, waxa uuna ku eedeeyay Al-Shabaab in ay halkaasi bililiqo ka gaysteen inkastoo aysan jiri warar madax bannaan oo arrintaasi xaqiijinaya.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dableydaasi weerarka qaaday ay ahaayeen kuwo ka soo cararay qaybo ka mid ah gobolka oo ay u sii socdeen dhanka gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dableydaasi ka tirsan Al-Shabaab oo aad u hubaysnaa ay saldhigga ku dileen hal nin ayna qorigi ka qaateen.

Waxa ay intaasi ku darayaan in dableysdaasi ay horey u sii kaxaysteen labo baabuur oo mid ka mid ah uu leeyahay guddoomiyaha degmada Wanlaweyn oo ay gurigiisa ka kaxasyteen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...