Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa ku taliyey in wax laga beddelo qorshaha Guddida doorashada ee la xidhiidha diwaangelinta Cod-bixiyayaasha Somaliland, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in qorshaha lagu daro in bisha November ay diwaangelintu dhamaato lagu xigsiiyo ololaha doorashada isla-markaana bisha December la qabto doorashada.
Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtey Magaalada Berbera oo uu safar ku joogo, ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland looga baahan yahay inay ka faa’ideysato taageerada qaadhaan bixiyayaasha ee dhanka doorashada, maadaama sanadka dambe ay taageeradooda u weecinayaan dalal dhan 16 oo Afrika ah, kuwaasi oo doorashooyin ka dhacayaan.
Jamaal oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaan odhan lahaa doorashadu yaanay nagaga dambeynin bisha December, waayo haddii diwaangelintu dhamaato November, ololaha waxa la geli karayaa hal bil gudaheed (November-December), markaana doorashada waalla geli karayaa, tani waa fikradeyda, laakiin mowqifka waxa ka hadlaya Isbaheysiga Mucaaradka….”
Musharaxa Madaxwaynuhu waxa kale oo uu tilmaamay “Sanadka 2016-ka waxa doorasho galaya 16 dal oo Afrika ah oo Soomaaliya ku jirto, markaa beesha Caalamku dalalkaa kale ayay siinaysaa (Qaadhaanka doorashada) ee aynu wakhtiga ka faa’ideysanno….”ayuu yidhi.