Safiirka Wareegga ee Somaliland, Kayser Cabdilaahi Maxamed ayaa qoraal uu na soo gaadhsiiyey kaga hadlay go’aan ay Maxkamadda sare ee Maraykanku ka gaadhay dacwadda loo haysto dhagar qabe Maxamed Cali Samater.
Waxaanu Kayser qoraalkiisa ku bilaabay sidan “Maxkamadda Sare ee Dalka Maraykanka ayaa shalay si Rasmi ah u soo Afjartay Dacwaddii ku Socotay Dhagarqabe Jen. Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne ku Xigeenkii Xukuumadii Haligantay ee Maxamed Siyaad Barre oo Xasuuq Naf iyo Maalba lahaa u Geysatay Ummada reer Somaliland, waxaana Maxkamada Sare ee dalka Maraykanku ay diiday Rafcaankii uu Dhagarqabe Maxamed Cali Samatar ka qaatay Xukunkii ku dhacay 28 August, 2012 oo ay Maxkamadi ay ku Xukuntay inuu yahay Dembiile sidaas darteedna uu bixiyo magdhow gaadhaya $21 million oo Doolar taasoo isaguna ogolaaday taariikhdu markay ahayd 23 February 2012, laakiin uu rafcaan ka qaatay isaga oo ku dooday inuu Xasaanad leeyahay maadaama uu ahaa Sarkaal dawladeed.
Dacwadan oo ay 10kii Bishii November 2004 ay Dalka Maraykanka ka bilaabeen Labada Geesi ee reer Somaliland ee kala ah Halyeey Baashe Cabdi Yuusuf iyo Halyeey Cabdicasiis Maxamed Iid ayaa waxa ay soo jiitamaysay muddo Toban Sanadood ka badan, iyada oo Dhagarqabe Maxamed Cali Samatar uu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay sidii dacwadaas loo fashilin lahaa.
Waxaana Gacan-kudhiigle Maxamed Cali Samatar uu garab iyo gaashaan ka raadsaday Dhagarqabayaashii kale ee ka tirsanaa Xukuumadii Naxariista Darnayd ee Maxamed Siyaad Barre, waxa kale oo Cali Samatar Taageero isla garab taagay Xukuumad ku sheegyada Soomaaliya ka jiray dhamaantood sida Xukuumadii Cabdilaahi Yuusuf, Xukuumadii Sheekh Shariif iyo Xukuumada Xasan Sheekh kuwaas oo dhamaantood u hiilinayay Dambiile Xasuuqay Ummad Muslin ah, waxaanay u hawl galeen in la joojiyo dacwada Maxamed Cali Samatar iyaga oo ku dooday in Xasaanad huwan yahay oo uu magac dawladeed ku hawlgalayay. Waxaana Xukuumadaha Soomaaliya ay dhamaantood u hawl galeen inay Dafiraan Xasuuqa laga galay Shacbiga iyo ummada reer Somaliland.
Xukuumada Soomaaliya gaar ahaan Raiisal Wasaare Cabi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxa uu Waraaq Rasmi ah oo ka socota Xukuumada Soomaaliya uu 26kii bishii February 2013kii uu u diray Xukuumada Dalka Maraykanka isaga oo ka dalbaday in la joojiyo dacwada ku socotay Maxamed Cali Samatar oo ay ku sheegeen inuu yahay Masuul Dawladeed oo sharaf huwan. Taasoo ka Markhaati kacaysa in Xukuumada Soomaaliya ay wali sii wado Cadaawada ay u qabaan ummada reer Somaliland.
Allah Mahadi haka gaadhee Samirkii, Dulqaadkii, Geesinimadii iyo Daacadnimadii Ummada reer Somaliland iyo Geesinimada halyeeyada Baashe Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Casiis Maxamed Iid iyo Todoba Xubnood oo kale oo aynaan halkan magacyadooda ku xusi karin ayaa keenay Guusha Maanta usoo Hoyatay Ummada reer Somaliland, waxaana tani ay tahay dhirbaaxo kulul oo wajiga kaga dhacday Cadawga Somaliland iyo kuwii Xumaha taageerayay.
Waa Guul Taariikhi ah oo Tilmaan iyo Tusaale cad u ah in Shacbiga reer Somaliland aanuu ka Nasan doonin ilaa inta Cadaalada la horkeenayo Dhagarqabayaashii Xasuuqa u geystay dadkayaga, waa Guul taariikhi ah oo Tilmaamaysa in mar kasta uu Xaqu Guulaysan doono,
Waxaan Mahadnaq u dirayaa Halyeey Baashe Cabdi Yuusuf iyo Halyeey Cabdicasiis Maxamed Iid iyo Xubnaha kale ee Dacwada ku soo oogay dhagarqabe Maxamed Cali Samatar, waxaa kale oo aan Hambalyo iyo mahadnaq u dirayaa Xarunta The Center for Justice and Accountability (CJA) oo hawl balaadhan ka geysatay inay dacwadani guulaysato. Waxaa kale oo aan u Mahadnaqayaa Maxkamada Sare ee Dalka Maraykanka iyo Laamaha Cadaalada Maraykanka oo isd garab taagay Sahcbiga reer Somaliland, kuna gacan saydhay baaqyadii dhagaraysnaa ee Xukuumada Soomaaliya ay ugu hiilinaysay dambiile Maxamed Cali Samatar.
Waxaa Sharaf ii ahayd in Looyarro ka socda Xarunta CJA ay iigu yimaadeen magaalada London oo aan ku kulano maalin Salaasa ah Taariikhduna ay ahayd 21June 2011 iyada oo aanu kulanay Marwo Kathy Roberts oo ka mid ahayd Looyarrada dacwada ku oogay Cali Samatar, markii danbana aan kula kulmay Magaalada Washington.
Ugu Danbayn waxaa Allah Mahadii ah in Maanta ay Guul Taariikhi ahi usoo hoyatay Shacbiga geesiga ah ee reer Somaliland, iyada oo Guuldarro weyn iyo Ayaandarro aad u foolxumina ay ku dhacday Dhagarqabe Maxamed Cali Samatar iyo Xukuumada Soomaaliya ee sida indho la’aanta ah u taageeraysay Dhagarqabe xasuuq u geystay ummada reer Somaliland.
Waxaan Ummada reer Somaliland usoo jeedinayaa meel kasta oo ay joogaan inay Ugaadhsadaan Sharcigana la tiigsadaan cid kasta oo dhagar ka gashay Ummada reer Somaliland meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Cuqubadan maanta ku dhacday Maxamed Cali Samatar waxay albaabka u furi doontaa dacwado kale oo lagu oogi dooni cid kasta oo Xasuuq u geysatay Ummada reer Somaliland”.