Dowladda Maraykanka oo liiska argagixisada ka saartey Zakariye Ismaaciil Xirsi

Date:

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegey in Dowladda Federaalku soo dhaweyneyso go’aanka Dowladda Maraykanku qaadatey ee ah in ay liiska dadka madaxooda lacagta la dul dhigeyay ka saartey Sakariye Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaan ZAKI. Dowladda Maraykanka ayaa $3Milyan oo dollar dul dhigtey madaxa Zakariye.

Zakariye ayaa Dowladdu sheegtey in uu horey uga soo goostey al-Shabaab haddana uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka, waxaana uu gobolka Gedo iska soo dhiibey  dhamaadkii sanadkii 2014. Dowladda ayaa fariin u direysa saraakiisha al-Shabaab oo la raadinaayo in sida Zakariye oo kale ay ku dhiradaan oo isa soo dhiibaan, Waa ninkii labaad oo liiska laga saaro Shiikh Attam kadib, hoos ka akhri War saxaafadeedka

ADVERTISEMENTS

WAR SAXAAFADEED

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhoweyneysa go’aanka dowladda Mareykanka ay liiska dadka madaxooda lacagaha abaal marinta dul dhigtey uga qaaddey Zakariya Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaano Zaki, kaas oo ka mid ah xubnaha ka soo goostey Al Shabaab ee la shaqeynaya dowladda.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysey wadaxaajood dhex marey dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, si loo xaqiijiyo looguna abaalmariyo Zakariya Ismaaciil go’aanka uu qaatey ee uu kaga haray xoog wax ku raadinta, diidista fikradaha kooxda Al-Shabab, iyo isagoo si rasmi ugu biirey hanaanka nabadda, kuwaas oo ah shuruudaha ugu muhiimsan ee laga doonayo inay fuliyaan shakhsiyaadka ka soo goosanaya Al Shabab. Zakariya Ismaaciil waxaa uu si aan leexleexad lahayn bulshada Soomaaliyeed ugu muujiyey inuu shuruudahaasi buuxiyey, isagoo dhowr jeerna la hadley saxaafadda.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa dowladda Mareykanka iyo dalalka kale ee saaxibada la ah dhanka iskaashiga dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Waxaa ay dowladda mar kale fariin u direysaa kuwa weli ku dhex xaniban ururka Al Shabaab ha noqdeen hoggaamiyeyaal ama dagaalyannada caadiga ah in haddii ay doonayaan inay isaga haraan dagaalka iyo xoog wax ku raadinta, isla markaana ay si cad u diidaan fikirka qalaad ee Al Shabaab, in markaasi la siin doono fursad ay qeyb uga noqdaan dib u dhiska Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa dowladda ay balanqaadeysaa inay taageero u fidin doonto hoggaamiyeyaasha ama maliishiyaadka Al Shabaab ee soo goosta si ay dib ugu soo biiraan shacabka, iyadoo isla markaana ay dowladdu iyadoo ka wakiil ah ay u ololeyn doonto in laga saaro liiska argagixisada caalamka ama kan Soomaaliya, sida haatanba ay ugu ololeysey Zakariya iyo Sheekh Atam. Dowladda waxay kaloo fareysaa xubnahaasi Al Shabaab ka tirsan ee doonaya inay soo goostaan in dowladda ay mar walba diyaar u tahay, go’aankooda la dhegeysan doono, la soo dhoweyn doono, taageerana loo fidin doono.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...