Warancade Oo Sheegay In Aanay Somaliland Hor Fadhiisanayn Dad Uu Ku Sheegay Calooshood U Shaqaystayaal.

Date:

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in weftiga Somalia wada hadalada u soo diratay yihiin wax lala yaabo ama lagu qoslo “Waxaa wax lala yaabo ah ama lagu qoslo ah, halkii aynu ka sugaynay inay(Somalia) soo dirtaan dad ama Masuuliyiin wax u goyn kara oo ka soo jeeda dalkii Somalia ee Talyaanigu gumaystay inay soo dirtaan Dad ka soo jeeda Somaliland oo ku abtirsada dadka Bulshada Somaliland u taqaano dad sida umadda reer Somaliland ba dalalka caalamka ugu shaqo tagaan dad iyaguna dalka dariska aynu nahay ee Somalia u shaqo tagay. Lama gilayn loogamana fadhiyin Somalia inay tidhaahdo dad dalkeeda u shaqo tagay ayaa na matalaya, arrintaasi wax la aqbali karo maaha, wax loo dulqaadan karana maaha, Somaliland diyaar uma aha inay hor fadhiisato dadkaasi aan odhan karo waa Calooshooda u shaqaysteyaal” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Wasiirka daakhiligu waxa uu sheegay inay Beesha caalamka u sheegayaan in Somalia aanay diyaar u ahayn si labada dhinac si fiican u kala gurtaan. Waxa uu sheegay in Somaliland diyaar u tahay Wada hadalo hufan oo Somaliland la gasho dadka Somalia ka soo jeeda ee Somalia meteli kara.

Wararka Wufuuda Somaliland iyo Somalia

Weftiga Somaliland ayaa go’aansaday inaanu hor fadhiisan Weftiga Somalia oo ay ku jiraan laba Wasiir, Xildhibaan iyo Xubin hore xil uga soo qabatay Somalia oo dhamaantood dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland. arrintaasi ayaa keentay in wada hadaladu maalintii labaad furi laayihiin.

Weftiga Somalia oo arrintan shir muddo saacado ah qaatay Shalay galinkii dambe ka yeeshay islamarkaana maanta la filayay inay mawqifkooda caddeeyaan ayaan wali saxaafadda la hadal balse Xubno xogogaal ah oo BBC-da xog siiyay ayaa sheegay inaanay diyaar u ahayn in weftigooda la kala guro, arrintaasi oo burbur u horseedi karta wada hadalka  labada dhinac

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Mawqifka Somaliland caddeeyay Axaddii

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay arrintan u arkaan in Somalia burburinayso wada hadalada labada dhinac “Dawladda Turkiga iyo Iyagaba(Somalia) waanu u sheegnay in Shirkan dhici doonaa yahay Shir Somaliland iyo Somalia ah oo labada waddan is hor fadhiisanayaan, Somaliland-na aanay marnaba Ogolaanayn in Niman Somaliland u dhashay inay shirka soo fadhiistaan.Markaa waxaanu filaynaa inuu noqdo Shir lagaga wada hadlo waxyaabihii faraha badnaa ee ay fulin waayeen ee ay ka baxeen lagaga wada hadlo” ayuu yidhi Wasiirka Oo BBC-da la hadlay.

Wasiirku waxa uu sii sababeeyay diidmada Somaliland ee Xubno reer Somaliland ah oo Soomaaliweyn u shaqo tagay “Annagu diyaar uma nihin mana Ogolaanayno oo sharciyan, annagu dad Somaliland ka soo jeeda oo Xamar tagay lama fadhiisanayno, Somaliland xuduud cayiman ayay leedahay oo ah dhulkii Ingiriisku haysan jiray, markaa wixii dhulkaas u dhashay ee reer Somaliland ah annagu shirkan la fadhiisan mayno, waxaanu la fadhiisanaynaa dadka ah Dhulkii Talyaanigu haysan jiray ee Somalia la yidhaa haddana aanu doonayno inaanu laba Waddan oo kala gaara oo kala ambabaxa u wada hadalno” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay in Arrimaha Masiiriga ah ee ajanduhu ahaa arrimo ka horeeya laga wada hadlayo “Arrimaha Masiiriga ah horena miiska way u saarnayd haddana way saaran tahay laakiin, arrimaha ka horeeya ee aanu Xallinayno waxaa ka mid ah awal hore wuxuu Turkigu iskugu kaayo yeedhaa laba wadan oo kala gaar ah oo siman oo labaaas wadan wada hadlaan, wixii hore loogu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in wixii Af Xumo ah la iska ilaaliyo laakiin, af xumooyin faro badan ayaa warqad ay soo qoreen ku jirtay arrimahaas baanuna ka wada hadlaynaa”

Warsaxaafadeedka Somalia ku Cabirtay Mawqifkeeda ee ay Axaddii Istanbul ka soo saartay:-

Iyada oo la tixraacayo heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaareen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo xag farsamo ah.

Wafdiga oo damaanad buuxda ka haysta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa uu caddeynayaa in uu diyaar u yahay in uu la fariisto Wafdiga Somaliland oo isaguna ku sugan Istanbul si loo guda galo wadaxaajood ku salaysan qodobbadii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne, oo ay ka mid tahay in la billaabo ka hadalka arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee ka dhexeeya labada dhinac.

Wafdiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an in uu dadaal walba ku bixiyo midnimada Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa Dawladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wadahadalka labada dhinac.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...