Shirkadda Dahabshiil Group ayaa si weyn loogu amaanay waxqabadkeeda arrimaha bulshada Geeska Africa gaar ahaan Somalida,Itoobiya,Jabouti iyo Kenya,kulan balaadhan oo lagu maamuusayey xafladda furitaanka CARWADA Ganacsiga iyo wax soo saarka Haweenka dalka Itoobiya oo laguqabtay Hotel-ka CRWON ee magaalada Hargyesa ayey dadkii ka hadlay munaasibadaasi siyaabo kaladuwan uga-ga hadleen waxqabadka shirkadda Dahabshiil Grpoups gaar qaybaheeda kaladuwan gaar ahaan barmaamijka cusub ee E-Dahabka oo si weyn loogaga sheekeeyay madashaasi inay durba dadweynuhu mahadiyeen sidahufan ee uu durba wax uga badalay dhaq—dhaqaayadoodii lacageed ee ay baahiyaha wayn u qabeen inay helaan adeegsadan oo kale dhamaystiran isla markaana kalsooni badan lagu qabo sida dunida hormartay oo kale adeegyada ay noocan oo kale ah ee ay bixiyaan.
Munaasibadda CARWADAN Itoobiya guud ahaamba kharashaadkeeda ku baxay oo dhan mudada dhawrka cisho ah ee ay soconayso waxaa bixiyey Barnaamjika E-Dahab oo wacdaro cusub la soo galay saaxadda bulshada tan iyo markii dhawaan xaflad quruxbadan lagu shaaciyey furitaanka adeegaasi kadib markii ay shirkadaha kale ee dalka ka shaqeeyaa ka gabadeen inay quudhaan cadadka lacageed eek u baxay CARWADAASI ayuu ayuu xafiiska gaarka ah ee Adeegga E-Dahab qasnadihiisa gaarka ah Dollar-cad-cad uga soo saaray maamulka daadihinaya Carwadaasi ee dalka Itoobiya kuwaas oo farxadweyn ka muujiyey gacanta furan ee Dahabshiil gaar ahaan adeega cusub ee E-Dahabka.
Mrs Ayaan oo ahayd Gabdhii daadihinaysay habsami-u scodka xafladii furitaanka Carwadaasi ayaa codbaahiyaha ku sheegtay kaalinta ay Carwadaasi ka qaateen Dahabshiil Group waxaanay hadalkeea ku bilawday “maanta aniga oo ku hadlaya maaga Carwada Ganacsiga Dumarka dalka Itoobiya ee inoomiyid waxaanu idinku soo dhaweynaynaa Carwadan dalka Itoobiya ee uu maalgaliyey Dahabshiil Group iyo waaxdiisa E-Dahab-ka”
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ganacsiga Maxamed Sheekh Ismaaciil oo halkaa ka hadlay wax uu sheegay inay faa’iido ballaadhani ugu jirto labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya Carwadan laga leeyahay dalka Itoobiya waxaanu agaasimuhu xusay muhiimadda ay leedahay inay labada dal waxyaaban oo kale is waydaarsadaan isaga oo dhanka kalana si weyn carabka ugu adkeeyey kaalinta balaadhan ee ay Dabashhiil Groups kagajiraan arimaha hormarka Geeska Africa shucuudbta ku nool isaga oo si dhaw ugu bogaadiyey Barnaamijka cusub ee Adeegga E-Dahabka kaalinta fir-fircoon ee uu durka ka qaadanayo kaabida baahiyaha bulshada “waxaan si gaara ugu mahad-celinayaa adeegan E-Dahab-ka oo isaga oo mudo-kooban uun sida aan la socono suuqa ku jiray hadana aad arkaysaa durba dardartiisa iyo waxqabadkiisa arimaha bulshada” ayuu yidhi Agaasimah wasaaradda Ganacsiga Maxamed Sheekh Ismaaciil.
“Maa-shaa Allaah kol-hadaanmaanta qaatay Adeeggii E-Dahabka ee aan mudadada badan sugayey alley-lehe xawaalada dambe oo aan 2 lugood isu dabadhigo ha-idayso waayo Adeega -E Dahab-ka ayaa ii fududaynaya inaan akoonkaygii halkan uun ka maamusho anoon gurigaygaba ka bixin”Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ganacsiga Maxamed Sheekh Ismaaciil oo halkaa ka hadlay wax uu sheegay inay faa’iido ballaadhani ugu jirto labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya Carwadan laga leeyahay dalka Itoobiya waxaanu agaasimuhu xusay muhiimadda ay leedahay inay labada dal waxyaaban oo kale is waydaarsadaan isaga oo dhanka kalana si weyn carabka ugu adkeeyey kaalinta balaadhan ee ay Dabashhiil Groups kagajiraan arimaha hormarka Geeska Africa shucuudbta ku nool isaga oo si dhaw ugu bogaadiyey Barnaamijka cusub ee Adeegga E-Dahabka kaalinta fir-fircoon ee uu durka ka qaadanayo kaabida baahiyaha bulshada “waxaan si gaara ugu mahad-celinayaa adeegan E-Dahab-ka oo isaga oo mudo-kooban uun sida aan la socono suuqa ku jiray hadana aad arkaysaa durba dardartiisa iyo waxqabadkiisa arimaha bulshada” ayuu yidhi Agaasimah wasaaradda Ganacsiga Maxamed Sheekh Ismaaciil.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Arimaha Dibadda Maxamed Xasan Siciid waxaanu ka hadlay arimaha Gancsiga u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waxaanu hoosta ka xariiqay sida loogu baahnaa badhigyada Gacbasiyeed ee noocan oo kale ahi inay dhedxmaraan labada dal hasayeeshee Mr Siciid waxa uu carabka la laacay adeegan cusub ee –E Dahab-ka oo sida aan xaga sare ku soo sheegnay ah mid durba la mahadiyey isticmaalkiisa inuu yahay mid aan la dhayalasan Karin kaalinta uu ka qaadanyo fududaynta hawlihii isgudbinta lacagaha isaga oo barnaamijkaasi fududeeyey isku socodkii iyo kharashaadkii ku bixijiray inay dadku xawaaladaha xafiisyadooda wakhti ku bixiyaan has yeeshee sida la sheegay ay kaaxigto oo kaliya adiga oo xafiiskaaga,gurigaaga iyo hadba goobtii kale ee aad joogtaba ku sugan inaad si dhibyar akoonada aad ku leedahay Dahabshiil uga maamulankarto sida aad doonto lacagta kuugu jirtana kala soo bixikara adiga oo aan gurigaagaba ka bixin hadaad doontana sariirtaada duljiifa “waxaan jeclahay inaad u mahad celiyo shirkadda Dahabshiil Groups iyo adeegeedan cusub ee E-Dahab- oo iyadu maalgalisay dhaqaalihii ku baxay Carwadan” ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda Arimaha Dibadda Maxamed Xasan Siciid.
Waxaa iyana halkaa ka hadashay Haweenay ka socotay Xafiiska Ganacsiga guud ee Itoobiya waxaanay soo dhawaysay in Carwadan dalkoodu leeyahay lagu qabto Somaliland markii ugu horeysya waxaanay carabka ku balaadhisay Aeegan E Dahab iyo shirkaddaweyn ee uu hoosyimaado ee Dahabshiil Groups oo jeebadaha u furay inay ka caaweyeen kharashaadkii ku baxay Carwadan waxaanay sheegtya inay ka dal iyo Dawlad ahaamba abaal-weyn u hayaan Shirkadda-weyn ee Dahabshiil iyo adeegoodan cusub ee –E Dahab-ka oo dardar cusub ku soo galay suuqyada Ganacsiga gaar ahaan isugudibinta lacagaha ay dadku dhibaatada kala kulmijireen xiliyada qaarkood sida marka ay dariiqyadu Jaamka yihiin ama uu Roobku da’ayo ama ay cadceeduba kaa sii dhacayso wakhtigii xawaaladaha la xidhijirayna la gaadho.lasoco waxyar karib warkan oo intaa ka faah-faahsan in shaa allaah