Waftigii Somaliland uga Qaybgalayay Wadahadalada u Socda Somaliya Oo U Ambabaxay Turkiga

Date:

Waftigii Xukuumadda Somaliland uga qaybgalayay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa maanta ka ambabaxay madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeya, kuwaas oo ku sii jeeday dalka Turkiga oo Axda todobaadkan uu ka furmayo wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya.

Weftigan oo uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis ayaa waxa wahelinayay Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Maxamuud (Geedole), Wasiirka duulista iyo hawda Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali, Xildhibaa Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xildhibaan Jirde Siciid oo ka tirsan Golaha Guurtida.

Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wadahadalada u socda Somaliland iyo Somaliya ay maalinta Axda ah ka furmayaan dalka Turkiga, waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxa aniga iyo waftigan balaadhan ee aanu wada socono u ambabaxaynaa shirkii Turkiga oo maalinta Axda bibaamaya, socondoonana ilaa Isniinta oo aanu wadahadlayno dawlada Somaaliya, waxaanan filaynaa in aanu guul ka keeno. Sidaad la socotaana shirararku waxa weeyaan Somaliland iyo Somaaliya oo ah laba dal oo kala duwan ah, xuduud mucayina leh oo dadka aanu wadahadlaynaa maaha dad reer Somaliland ah, waxaanu wadahadlynaa dad Xamar ka yimid, haseyeeshee nidaamka Somaliland waxa weeyaan in aanu la xidhiidhno oo la hadalno dadka ka socoda Somaaliya ee ah xuduudihii Talyaaniga, anaguna waxaanu nahay kuwii Ingiriiska labadaa dal ee kala duwan ayaa wadahadlaya oo wixii Isirkoodu hore u ahaan jiray Somaliland anaga shaqo naguma laha, waayo Somaliland ma wadahadlayso ee shirku waa Somaliland iyo Somaaliya.”

Maxamed Biix waxa kale oo uu sheegay in qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ay ku yeesheen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya la isku afgartay in la fuliyo qodobadii hore loogu heshiiyay oo oo ka mid yahay maamulka hawada, waxaanu yidhi “Shirkii u dambeeyay ee Jabuuti ka dhacay ee labada Madaxweyne ay ku kulmeen, qodobadii ka soo baxay ee labada Madaxweyne saxeexeen waxa ka mid ahaa in la fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo ay ka mid tahay arrimihii ku lugta lahaa hawada, waxa nala socda Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland, xagoodana (Somaaliya) waxa la socda Wasiirkii hore ee duulista, markaa waxaanu filaynaa inay ka wadahadli doonaan arrimahaasi ku lugta leh hawada. Sidii aanu hore u qornay ee labada Madaxweyne ay u saxeexeena waxa lagu heshiiyay in la fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo hawadu ay ka mid tahay waanay ka wadahadli doonaan.”

Sidoo Wasiirka arrimaha dibadu waxa u sheegay in aan la xidhin xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, balse loo hakiyay arrimo ku saabsan dhinaca nabadgelyada, waxaanu yidhi “Xuduuda inoo dhaxaysa Jabuuti oo xidhani ma jirto waxa jirta baadhis iyo kaantarool, waad la socotaa oo qaraxyo waaweynbaa ka dhacay Muqdisho oo dhibaatooyin horena Jabuuti bay ka dhaceen , waxaanu iska kaashanaa anaga iyo dadka xuduuduhu ay noo dhexeeyaan in aanu xaga nabadgelyada ka wada shaqayno, nabadgelyadu anaga waa noo muhiim, Itoobiya waa u muhiim Jabuutina waa u muhiim. Xuduudahaasi waxa baadhista loogu sameeyay in la hubiyo in aan qaraxyo iyo dhibaato ka dhicin waanan la wada soconaa hay’adaheena nabadgelyada qaabilsan iyo dawladaha jaarkuna arrimahaasi way iska ogyihiin, markaa xuduud xidhani ma jirtee arrimo nabadgelyo ayaa loo hakiya.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...