Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay weerarkii Jimcihii doraad lagu qaadey Huteelka Central ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen Masuuliyiin badan oo ka tirsan dawladda Soomaaliya isla-markaana ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 40 oo uu ku jiro Raysal-wasaare ku xigeenka dalkaasi, Maxamed Cumar Carte.
Qoraal kooban oo xalay lagu baahiyey bogga Wasaaradda Arrimaha dibaddu ku leedahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo khasaare badan dhalliyey uu shacabka reer Somaliland ka naxay, sidaa daraadeedna dawladda Somaliland Tacsi u dirayso qoysaskii dadkii ku dhintay weerarkaasi isla-markaana waxa caafimaad loogu rajeeyay kuwo ku dhaawacmay.
Qoraalka Tacsida ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland kaga hadashay weerarkaasi oo masuuliyaddiisa Al-shabaab sheegatay ayaa u dhignaa sidan “Dadka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka argagaxeen kana murugoodeen maqalka weerarkii Lagu qaadey Huteelka Central iyadoo Salaaddii Jimcaha lagu jiro”
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo sii hadleysa ayaa sheegtay “Waxaanu Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibada dadkii ku dhintay weerarkaasi, waxaanuna caafimaad u rajeynaynaa oo aanu ducaynaynaa kuwa ku dhaawacmay”ayuu yidhi.
Waa markii ugu horeysay ee dawladda Somaliland ka hadashay weerar Al-shabaab ka fulisay dalka Soomaaliya.