Rai’sal wasaaraha Australia Tony Abbot ayaa soo bandhigay qorsheyaal cusub oo kusaabsan ladagaalanka argagixisada.
Arrintani waxa ay dabo socotaa weerarkii lagu qaatay Cafateriya ku taala Sydney labo bilood kahor. Halkaas oo dadkii labo lahayste lagu dilay.
Abbot waxa uu sheegay in uu soo bandhigayo sharci dawladda u ogolaanaya in ay kala noqdaan dhalashada muwaadiniintooda ka dagaalamaya adduunka ee labada dhalasho haysta sida kuwa ku biiray Daacish.
Rai’sal wasaaruhu waxaa kale oo uu sheegay in ay jiridoonaan talaabooyin adag oo laga qaadidoono dad uu ku tilmaamay ” kuwa nacayb dadka ku wacdiya”