Xuduudka Somaliland iyo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maalintii labaad xidhan, ka dib qaraxyadii lagu xaaqmay ee ka dhacay Magaalada Mqudisho jimcihii doraad.
Badhasaabka Gobolka Selel, Cabdirisaaq Waaberi Rooble ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in xadka Jabuuti iyo Somaliland u dhexeeyaa uu ka xidhan yahay dhanka Jabuuti, isla-markaana dawladda Somaliland iyo Jabuuti ka wada socdaan arrintaasi “Xidhnaanshaha Xadka Somaliland (iyo Jabuuti u dhexeeya) waanu ka wada soconnaa dawladda Jabuuti” ayuu yidhi Guddoomiyaha Selel oo maanta saxaafadda la hadlay.
Waxaanu intaasi ku daray inay arrintan ka wada socdaan Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland “Wasiirka arrimaha guduhu wuu la socdaa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray inay jiraan cabsi laga qabo falal argagixisanimo “Warar baa jira la leeyahay waxbaa jira, markaas labada dhanba feejignaan baanu galnay”
Badhasaabka oo sii faahfaahinaya ujeeddada xadka loo xidhay “Dalkan ama Mandaqadan Geeska Afrika Mushkilad baa ka jirta, niman Argagixiso ah oo Shadaadiin ah oo wax duminaya oo cidba aan hambaynayn ayaa jira, markaas cabsi fara badan iyo feejignaan baa jirta”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey oo uu xaqiijiyey in xuduudka la xidhay uu saameyn ku yeeshay isku socodka labada shacab ee Jabuuti iyo Saylac, waxaanu tilmaamay in caanihii laga qaadi jiray Saylac isla-markaana la geyn jiray Jabuuti ay joogsadeen, halka alaabooyinkii Saylac looga keeni jiray Jabuutina ay joogsadeen, inkasta oo uu xusay in aanay taasi sii jiri doonin.