Haldoorka Somaliland Oo Munaasibad Ballaadhan 282,000, Oo Dollar Ugu Deeqay Cisbitaalka Caruurta Ee Maxamed Aadan Sheekh

Date:

Waxaa xalay caasimada Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay Xaflad aan nooceeda hore loogu qaban oo kulmisay Ganacsato, Siyaasiyiin, Xukuumada, Shirkadaha, Xawaalaha iyo guud ahaanba Maalqabeenada dalka.

This slideshow requires JavaScript.

In ka yar saacad badhkeedna waxa goobtaasi lagaga dhawaaqay qadar lacag ah oo dhan $282,000 oo dollar ka Maraykanka ah. Hadaba xafladan oo ahayd mid ay soo agaasintay kuna casuuntay guud ahaan dadkaasi aan xaga sare ku xusay, marwada koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa ahayd mid ay ugu talo gashay in qaadhaan loogu ururiyo Dhakhtarka Caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh Childern’s oo ah dhakhtarka Caruurta gaar ahaana xooga saara caruurta Wadnuhu daloolo, oo qaliino loogu qaado dalka Talyaaniga si loogu soo daweeyo.

Waxaana xusid mudan sida sawirada ka muuqata in caruurtii qaliinada lagu sameeyey ee ka badbaaday inay u geeriyoodan xanuunkaasi khatarta ah, ka mid ahaa Muhiim iyo Mahad oo ahaa laba caruura  oo xalay ku sugnaa goobta, kuna ciyaarayey iyaga oo la caafimaada kuwa la da’a ah een lagu samayn qaliinka.

Iyada oo ay jiraan caruur kale oo hada yaala dhakhtarkaasi loona diyaarinaayo in la qaado laguna soo sameeyo qaliin ayaa waxay gudida cusbitalku dalbadeen in shacbiga Somaliland madax iyo mijaba ay ka taageeraan sidii caruurtaasi loo caawin lahaa ee ay u helilahaayeen caafimaad alle ayaa caafimaadka bixiyee, loona baahan yahay in lagu taageero caruurta inay helaan qalab dhamaystiran oo dalkooda hooyo loo keeno si ay kuwa markiiba u dhinta xanuunkani een gaadhin inta la sii sido looga hortago.

Waana sababta dhalisay inay Xafladani noqoto mid dareen gaara ku abuurta marwada iyo inta la aragtida ah ee damiirta waalidnimo shaqaynaayo, nasiib wanaagse waxa xalay mansoor hotel ka dhacday dhacdo cajiiba balse ay shacbiga Somaliland horeba ugu caan ahaayeen taasi oo ah deeqsinimo.

Waxaanay isla goobtaasi ka balan qaadeen kuna dhawaaqeen shirkad, ganacsato, xawaalad, wixii ay awoodeen ee tabarucaad ah, iyada oo ay xusid mudan yihiin wasaaradaha dalka oo isku xukumay $3,000 midkiiba noqotayna 25 wasaaradood, halka Dawlada hoose ee Hargeysa, Dawlada Hoose ee Berbera, Dekeda Berbera, ay ku dhawaaqeen iyaga oo kuwa goboladu kaga qaybgalay xaflada Taleefanka gacanta, lacago u dhaxaysay 20,000 ilaa 10,000 oo dollar, halka shirkaduhuna ay isku xukumeen 100 ilaa 25,000 inta u dhaxaysa.

Waxa iyana xusid mudan dad aan intaa aan soo sheegay midna ka mid ahayn oo lacago aad u tiro badan ku deeqay balse aanan halkan ku soo koobi karayn oo ay hormuud ka tahay marwada madaxweynuhu.

Guud ahaana lacagta ay ku dhawaaqeen xalay dadkii halkaasi ku sugnaa ayaa Total keeda guud noqday 282,000 iyada oo weliba ay hadhsan yihiin dad badan iyo shirkado badan oo balan qaaday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...