Maxamed Cumar Carte oo loo qaadey dalka Turkiga kadib dhaawicii soo garey

Date:

Raysalwasare ku-xigeenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta oo Sabti ah loo duuliyey dalka Turkiga, kadib marii uu ku dhaawacmey weerar qaraxyo ah oo dhaawac ka soo gaarey maalintii Jimcada Hotel Central magaalada Muqdisho.

Dhaawaca Raysalwasaaraha ayaa maalintii shalay la dhigey isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana ehelkiisu sheegeen in uu wax ka qabo dhanka lugaha. Yaasiin Bucul oo ka mid ahaan jirey baarlamaankii kumeel-gaarka ahaa, kana mid ah qaraabada Raysalwasare ku-xigeenka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in diyaaradda Turkish Airlines ay maanta Muqdisho ka qadey Maxamed Cumar Carte, si loogu soo daweeeyo dalka Turkiga.

Maxamed Cumar Carte Qaalib waxaa dhalay siyaasi ruug cadaa ah oo wax badan la soo shaqeeyey Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre (AUN), waxaana uu markii u horeysey siyaasadda Soomaaliya ka soo muuqdey sanadkan 2015 oo uu ka mid noqdey Xukuumadda Sharmaarke.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey weerarkalagu dhaawacey raysalwasaare kuxigeenka, waxaana dadka fuliyey ay ahaayeen nin iyo naag is qaba, gabadhu waxay ka mid ahayd shaqaalaha Hotelka ay weerarka ku qaadey. Waxaa loo qabtey 10 kamid ah shaqaalaha oo labo ay tahay maamulka Hoteelka halka 8 kale yihiin kuwii sugaayey amniga Hotelka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...