Madasha wadatashiga iyo midnimadda Soomaaliya ayaa shalay shir ku yeeshey magaalada Muqdisho, waxaana shirkoodu ahaa mid ay ku dooranayaan masuuliyiinta ugu sareysa golahaasi.
Madashan oo ka kooban Xildhibaanno iyo siyaasiyiin magac dheer ku leh dalka Soomaaliya, ayaa ujeedkiisa loo asaasey yahay sidii ay talada dalka wax ugu yeelan lahaayeen.
Madasha Midnimada ayaa doortey guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen, waxaana guddoomiyaha Madasha Midnimada iyo Wadatashiga loo doortey raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed, labadiisa ku xigeen ayaa loo doortey Cabdiraxmaan Baadiyow, oo sanadkii 2012 ka mid ahaa Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaan. Xuseen Carab Ciise oo mar soo noqdey Wasiirka gaashaandhigga.
Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Shiikh ayaa miisaan siyaasadeed ku yeeshey Soomaaliya kadib markii dad badan oo ka soo horjeeda siyaasadda kooxda Damuljadiidku ay arkeen in u yahay nin go’aan adag, isla markaana leh awood uu wax dalka uga qaban karo, waxaana taageerayaashiisa ka mid noqdey Xildhibaanno badan oo aaminsan in lugaha loo bixiyo siyaasadda koox la sheego inuu ka tirsan yahay Madxawaynaha Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.