Hal qof oo ku dhintay Weerar labaad oo ka dhacay magaalada Copenhagen

Date:

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay labo kalena wey ku dhaawacmeen weerar labaad oo xalay ka dhacay magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark. Weerarkan ayaa ka dhacay meel ku dhow dhisme ay ku cibaadeystaan dadka Yuhuuda.

Booliska dalka Denmark ayaa sheegay in nin hubeysan uu madaxa ka toogtay qof rayid ah isla markaana dhaawac u geystay labo kale oo askeri ahaa, waxaana uu isla markii ka baxsaday goobta.

Meesha uu weerarka ka dhacay ayaa 5KM u jirta goobtii uu ka dhacay weerarkii koowaad oo lagu qaaday dhisme uu ka socday siminaar ku saabsan farshaxanka iyo madax-banaanida hadalka.

Dadka fadhiyey siminaarka waxaa ka mid ahaa kartooniiste lagu magacaabo Lars Vilks oo u dhashey dalka Sweden isla markaana caan ku ahaa daabicista sawiro kartoon ah oo uu ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed (NNKH), waxaana la sheegay in uu ka badbaaday weerarka. Sidoo kale waxaa joogay Safiirka Faransiiska ee Denmark oo isna xaqiijiyey in aanu dhaawacmin kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

Booliska ayaa soo bandhigay Sawirka qof ay ku tilmaameen in uu geystay weerarkii koowaad.
Booliska ayaa soo bandhigay Sawirka qof ay ku tilmaameen in uu geystay weerarkii koowaad.

Lama yaqaano in labada weerar ay isku xiran yihin oo saacado yar u dhaxeeyay, mana jiraan cid sheegatay ilaa iyo hadda masuuliyadooda.

Booliska ayaa qaaday howlgalo aad u balaaran oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weeraradan.

Magaalada Copenhagen ayaa laga dareemay khal khal aad u xoogan oo dhinaca amaanka, waxaana dhamaan hawada magaalada lagu arkayay diyaaraddaha nooca qumaatiga u kaca (helicopters) oo sameynayay roondooyin, waxaana Booliska ay ka cabsi qabaan surtagalnimada weeraro hor leh in ay dhacaan.

Shacabka ayaa looga digay in ay tagaan faras magaalada ama goobaha ay isku yimaadaan dadka.

Ra’iisul Wasaaraha Denmark haweenayda la yiraahdo Helle Thorning-Schmidt ayaa cambaareysay weerarkii koowaad, waxayna ku tilmaamtay mid argagixiisnimo arrimo siyaasadeed dabada kasoo riixeen.

Saxaafadda caalamka ayaa si weyn u falanqeynaya weeraradan oo ay la barbar dhigayaan kuwii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Paris oo ay ku dhinteen 12 qof.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...