Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa Obama ku canbaareeyey aamusnaantiisa dilkii Chapel Hill

Date:

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maalintiin shalay ee Khamiista ku canbaareeyey Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama aamusnaanta uu ka aamusan yahay dilkii loo geystey saddex dhalinyaro Muslimiin ah oo lagu diley todobaadkan gobolka North Carolina.

Madaxweyne Erdogan oo uu garabkiisa taagnaa Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Peña Nieto oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga, ayaa yiri aamusnaanta Obama, ku-xigeenkiisa Biden iyo Xoghayihiisa arrimaha dibadda Kerry waxay noo sheegaysaa booska ay ka taagan yihiin ficilada caynkan oo kale ah.

“Haddii aad ka aamustaan ficilada caynkan oo kale ah, oo aydinaan wax bayaan ah ka soo saarin, adduunkuna waa idinka aamusnaan doonaa idinka” ayuu yiri Erdogan isaga oo canbaareynaya dilkii laga wada argagaxay ee loo geystey maalintii Salaasada, Deah Shaddy Barakat xaaskiisi Yusur Maxamed iyo walaasheed Razan Maxamed Abu-Salha.

Booliska gobolka North Carolina ayaa dilkan u xirey Craig Stephen Hicks oo 46 sano jir ah, waxaana uu caro badan ka abuurey dilkan dadka Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa isticmaala shabakadaha isku xira bulshada iyaga oo muujinaya sida Maraykanka iyo warbaahintiisuba u tahay laba wajiile.

Dalka Turkiga ayaa ka mid ah Gaashaanbruurta Nato, waxaana uu ahaa furaha xulafada Maraykanku u isticmaalayey dagaalka ISIS oo cadow u wada ah labada dalba.

Erdogan ayaa ah hoggaamiyaha keliya ee caalamka Muslimiinta ee dilkan foosha xun canbaareeyey, waxaana uu si daah-furnaan ah uga hadlaa baqdinta iyo Islaam nacaybka ku soo badanaya dalalka reer galbeedka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...