Ciidamada Nigeria ayaa bilaabay hawlgalo militari oo balaaran oo lagu doonayo in lagu burburiyo xarumaha kooxda xagjirka ah ee Boko Xaram.
Dowlada Nigeria ayaa la kaashaneysa dalalka Cameroon iyo Chad hawlgalkan cusub ee lagu doonayo in Boko Xaram looga saaro dhulka ay qabsadeen ee waqooyiga dalka Nigeria.
Doorashooyinkii Nigeria oo lagu waday inay dhacaan 14ka bishan Feberaayo ayaa muddo lix todobaad ah dib loo dhigay si loo adkeeyo amaanka.
Maaha markii ugu horeysay oo olole militari lagu qaado kooxda Boko Xaram, kooxdaasi ayaa hada isku fidisay dhul balaaran oo kamid ah gobalada waqooyi ee Nigeria isla markaana bilowday weeraro ay ku qaadeyso dalka Cameroon oo ay jaar yihiin Nigeria.